Xaaska R/wasaare Saacid Oo Go’aan Ka Gaartay Laba Urur Haween oo Muqdisho Looga Dhawaaqay. Tolow Dhinacay Lasafatay.....?

Friday 9 November 20120 comments


Muqdisho(Hablaha.com)- Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi oo ah xaaska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa ay go’aan ka gaartay kooxda urur haween qaran loo aqoonsanayo kadib markii laba urur oo isdiidan Muqdisho isku mar looga dhawaaqay.

Labada urur ee isdiidan Muqdishana looga dhawaaqay waxaa kala hogaamiya Marwo Ubax Tahliil Warsame iyo Batuulo Shiikh Axmed (Gabale) waxa ayna marwada labaad ee dalku ay si aan ganbasho laheyn ay ugu sheegtay seygeeda in uu u aqoonsado Batuulo Shiikh Axmed (Gabale) iyo kooxdeda in ay yihiin ururka haweenka qaranka Soomaaiyeed.

Arintaan ayeey Caasho xaaji Cilmi ku dhiiratay kadib markii R/wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) uu weydiiyay sida laga yeelayo haweenkaan isqab qabsanaya.

Tilaabadaan ayaa lashegay in ay ku qasabtay qabiilada ay kasoo jeedaan Caasho Xaaji Cilmi iyo Ubax tahliil warsame oo aan isku wanagsaneyn mararka qaarna gobalada dhexe ay dagaallo ahi ah kudhex maraan.

R/wasaare Saacid oo siyaasada uun mardhw kusoo biiray oo aan iska fiirin isqab qabsiga haweenka oo isna kaqeyb galay mudaaharaad qarash badan lagu baxshay oo ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Koonis ayaa isna waxa uu uga dhawaaqay in Batuulo Shiikh Axmed (Gabale) uu u qoonsanyahay ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed arintaas oo muujineysa in fariintii guriga looga soo dhiibay uu fulinayay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved