Nin Dilay Xaaskiisi Iyo 2-Carruur Ah Oo Uu Dhalay, Ahaana Taageeraashii Laga guuleysatay ee Musharax Mitt Romney oo Ka Dibna Isaga Dilay.

Wednesday 7 November 20120 comments


In badan oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanku waxa ay ahaayeen kuwo si wayn isugu hawlayn kana cabsi qabay in lagaga adkaado, doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka, laakiin waxa jira Aabe isagu xaalad taa ka durugsan ku jiray, kaas oo ku kacay fal axmaqnimo ah.

Ninka Jamhuuriga ahaa ee Diley Xaaskiisa oo ay isla sawiran yihiin. 

Sida warbaahinta qaarkood ku warameen Aabe taageersanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa dilay xaaskiisi iyo laba carruur ah oo ay u dhashay, falkaas oo uu ku talaabsaday wax yar uun ka dib markii maalintii Axadii ay ka soo noqdeen kaniisada, waxaanu falkaas u sameeyay ninkani ka dib markii uu ka war helay in Madaxweyne Barack H. Obama ku Guulaysanayo doorashada Maraykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Albert Peterson waxa uu ka soo jeeda qoomiyada cadaanka san taaga ah ee Maraykanka, waxaanu toogtay xaaskiisa oo lagu magacaabo Kathleen iyo labadiisa carruura Christopher iyo Mathew, toogashadadaas oo soo afjartay, kalgayl iyo jacayl badan oo lagu yaqaanay qoyskan oo muddo shan iyo labaatan sanadood ah is qabay.

 Xaaskiisii ee uu dilay.
[Ninkan ayaa aaminsanaa in haddii uu Obama soo noqdo isaga iyo reerkiisa iyo waliba dhaxalkiisu ay mudan doonaan cashuur badan, taas oo uu arkayay in xaaladiisa mid qalafsan ka dhigi doono taas oo ah mid in badan aanu rumaysan nahay, sidaa waxa yidhi qof ka mid ah dadkii aqoonta u lahaa oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo.

Caruurtii uu dilay
                            Dadka jaarka iyo ehelka la ahaa oo aan doonayn in magacyadooda la baahiyo ayaa tilmaamay in ninkan cadhada iyo warwerka uu ka qabo in Obama Guulaystaa ku sii badanayeen, taas oo gaadhay ilaa heer uu qoyskiisi xasuuqo isna is dilo.

Sida wararku sheegayaan, Albert, oo (57-jira, Kathleen Xaaskiisa Oo iyana, (52jir ah, Wiilkiisa Curad ee Matthew, 16 jir ah iyo Christopher, 13 jir ah, waxa dhamaantood maydkooda laga helay gurigooda oo ku yaala degaanka Herndon, ee Virginia.

                                                     
Ogaanshaha dhimashada qoyskan ayaa boolisku ku war helay ka dib markii dadkii ay wada shaqyn jireen la soo hadleen ee ay u sheegeen in aan labadii cisho ee u danbeeyay shaqada lagu arag, ama aanay soo shaqo tagin Albert Peterson iyo xaaskiisu, taas oo keentay in gurigooda la baadho ka dibna loogu tagay qoyska oo dhamaantood wada mayd ah.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved