Midowga Yurub Oo Duqeyn Ba'an Ka Geystay Xeebaha Soomaaliya.

Tuesday 27 November 20120 comments


Maraakiibta kasocda Midawga Yurub ee ladagaalama burcad badeeda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay duqeyn kageesteen qeybo kamid ah xeebaha dalka Soomaaliya.


Wararka laga helayo magaala xeebeedka Hobyo ee gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in tira gantaala ah ay ku dhufteen bartanka magaaldaasi maraakaabiibta midawga Yurub ee gaaf wareega xeebaha Soomaaliya.



Gantaalahaan lagu dhuftay magaaldaan oo aan la’ogeyn sababaha kadanbeeya ayaan wax qasaara ah sababin inkasta oo ay aad uga caroodeeen shacabka ku nool magaaldaasi.
Magaalada Hobyo ayaa waxa ay aheyd mid kamid ah fariisimaha ugu weyn ee kooxaha burcad badeeda Soomaaliya iyada oo ay maraakiibta shisheeye ee latacaala burcad badeeda il gaara kuhayaan.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved