Layaab:Daaw sawirada Xeebka Kamid Xeebaha Ah Dalka Australia Oo Isku Bedashay Diig

Friday 30 November 20120 comments


Kumaan dalxiisayaal ah oo ku jirey tamashle iyo baashaal mid ka mid ah xeebaha wadanka Australia waxay la kulmeen wax aanay waligood arag oo mucjiso ah, iyadoo halkaasi uu ka dhacay kala carara iyo kabaha ha iiga istaagin.

Dalxiisayaasha oo tubnaa xeebta dunida caanka ah ee loo dalxiiska tago ee Bondi Beach ee ku teedsan magaalada Sydney ayaa waxay indhahoodu hal mar qabteen biyihii ay ku dabaalanayeen ee xeebta ee buluuga ahaa oo hal mar isbadashay taasi oo midabkeedii noqdey guduud ama sida dhiiga oo kale.

Warbaahinta Ten News Sydney ee dalka Australia ayaa soo gudbisay muuqaalada xeebta Bondi oo dhiig ama guduud isku rogtey, iyadoo dadka loo sheegay in ay halkaasi isaga fogaadaan, waxaana maamulka deegaankaasi ay sheegeen inay joojiyeen in xeebta loo badaal tago, iyagoo xusey inay dhibaato dhanka caafimaadka ah horseedi karto arintan.

Inkastoo dadka digniin lagu siiyey inaanay biyaha xeebta ku dabaalan ilaa iyo inta arintan baaritaan lagu sameynayo, hadana waxaa Tv-yada laga daawaday dad dabaal ugu jira biyaha oo gud ahaan isku badaley guduud.

Qaar ka mid ah dadka ku xeesha dheer aqoonta deegaanka ayaa ku macneeyey arinkan inay ugu wacan tahay geedaha tomato-da oo xeebta ku liin baxay.

Laakiin qaar ka mid ah culimada Islaamka oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in arintan tahay mid ka mid ah Mucjisooyinka EEBE ayna tahay in bini’aadamku ku waano qaato.

Kooxaha caafimaadka ayaa ku wargaliyey dadka xeebta dabaasha u tagaya inay arintan ay ku dhalin karto jirkooda xanuuno sida cun cun ayn haboon tahay in laga fogaado dabaashan biyaha xeebtan dhiiga isku badashay ee dalka Australia.

Xeebtan Bondi Beach waxay u tahay goob tamashle kunaan kun oo qof oo isagu jira dadka wadankaasi degan iyo waliba kuwa dalxiisayaal ah oo dunida dacaladeeda ka kala yimid, iyadoo xeebtaasi oo aad u balaaran maalin kasta ay u dabaal tagaan kumaan qof, iyadoo la arko qaarkood oo xeebta daadsan isla markaana qorax jaceyl bacaadka bacada seexanaya.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved