ILLaahow Yaan Laga Badin Kooxda Ninkeyga Uu Tageero, Waayo Waxaa Meel Ii Yaalo Feer Iyo Faralaab.!!!!

Tuesday 20 November 20120 comments


Haweenay Ninkeedu Garaaco Mar Kasta Oo Laga Badiyo Kooxda Uuu Taageero Ee Manchester United Oo Cabasho Warbaahinta Ku Baahisay

Haweenay qoraal u soo dirtay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa si wayn uga cabatay hab dhaqanka odaygeeda, kaas oo ay sheegtay in xaaladeedu meel xun marayso ayna ku talo jirto sidii ninkaas ay uga tagi lahayd ama ugu yaraan ay u kala tagi lahaayeen.

Haweenaydan oo magaceeda ku soo gaabisay Jin waxa ay fariinteedan ku sheegtay in ninkeedu uu aad u jecel yahay ciyaaraha iyo daawashadooda, si waali ahna u taageero kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska, ninkan ayay gabadhani sheegtay in markasta oo laga badiyo kooxdaas uu gacanta u qaado iyada oo si xun u garaaco.

Gabadhan ayaa si wayn uga calaacashay dhibaato ay sheegtay in guurka ninkeedan oo afar sanadood ka hor ay is guursadeen ay kala kulantay, waxaanay iyadoo arrimaha la soo dersay ka sheekaynaysa ay tidhi, [Waxaan ka fikirayaa sidii aan isaga furi lahaa ninkayga oo aanu afar sanadood ka hor is guursanay wuxuu iila dhaqmaa, habkii wakhti jaahiligii qarniyadii hore oo inta uu gacanta ii qaado ayuu dhulka iigu tuuraa.]

Jin ayaa sheegtay in ay ka war werto oo cabsi badani hadhayso mar kasta oo ay bilaabmaan ciyaaraha Ingiriiska iyo kuwa Yurub waxaanay tidhi, [Waxa I hadheysa cabsi mar kasta oo ay bilaabmaan tartamada ciyaaraha, Premier League, FA Cup iyo Champions-ku waxaana ka fakaraa in aan kooxda Man United laga badin.] ayay tidhi haweenaydaas magaceeda ku soo gaabisay Jin.

Gabadhan ayaa ka warantay sida ninkeedu u jecel yahay ciyaaraha kubada cagta iyo taageerada uu siiyo kooxda Manchester United, waxaanay tidhi, [Ninkaygu wuxuu jecel yahay ciyaaraha, wuxuu si aan la qiyaasi karin u taageeraa kooxda Manchester United, wax kastana wuu sameeyaa haddii ay badiso kooxdaasi iyo haddii laga badiyaba, markaa kooxda Man United ee loo yaqaano Shayaadiinta cas, waxaan is waydiiyaa, haddii taageeradooda sidan lagu noqonayo, tolow ninkaaguna ma isaga laftiisa ayaa Shaydaan noqdayba?

Gabadhani waxa ay ka warantay dhaawacyo tira badan oo kaga yaala wajiga, kuwaas oo ay xustay in xanuunkooda ay la il daran tahay, sidoo kale waxa ay tilmaantay sida kooxdaasi maskaxdeeda u wareerisay ee ay mar walba uga fakarto, iyada oo ku tala gasha haddii laga badiyo in odaygeedu dilayo, laakiin waxa ay xustay in marka ay badiso ninkeedu noqdo habeenkaa qofka ugu wanaagsan dunida oo dhan raga jooga.

Ugu danbayntii waxa ay gabadhani qoraalkeeda ku soo gaba gabaysay, [Garan maayo wax aan sameeyo, waan dhibaatays nahay waana mid aan ilaa wali la wareersanahay in dilka iyo gaaracistaydu ku xidhnaato koox guul daradeed, haddaba maxaan sameeyaa, miyay waligeed Manchester United ahaanaysaa koox guulaysata si aan u badbaado, qoyskayaguna u dhisnaado? Su?aashaas ayay kaga baxday qoraalkeeda layaabka lahaa, waxaanay gabadhani ka warantay sida ay iyada iyo kooxdaasi u kala dhinteen, danbigaas oo uu ninkeedu leeyahay wax ugu wacana aan la garan karayn.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved