Haween Lagu Kufsaday Magaalada Kismaanyo

Saturday 10 November 20120 comments


Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyada Raaskambooni ay Habeennimadii xalay Kufsi ka geesten Xaafado ku yaala Bartamaha magaalada Kismaayo.

Goob-jooge ku sugan Magaalada ayaa shabakadda Hablaha.com u xaqiijiyay inuu arkay Todobo katirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo markaasi kufsaya Saddax naag oo isla socday waxa uuna sheegay Goob-joogahaasi inay Maleeshiyadaasi ay u kala carareen dhanka waqooyiga Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

Mahan markii ugu horeysay Maleeshiyo katirsan Raaskambooni ay dhac iyo kufsi isdaba joogo ka geestan Gudaha magaalada Kismaayo waxaana jira dilal qorsheysan oo ay habeen waliba ka geestan Magaalada .

Arrintan ayaa mar waliba waxa ay saameeysaa hablaha ku nool magaaladaasi oo ah kuwo cabsi ka qaba haddi falkaan foosha xun uu ku soo laablaabto magaalada, ilaa iyo hadana ma jirta cid ka hadashay  dhacdadani ha ahaato kooxaha ku loolamaya maamulka  magaaladaasi ama dhinaca xukuumada. 



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved