Gabadh Yar oo Kudhalatay Iyadoo Wadnaheedu Dibada Yaalo (Arin Mucjiso Ah) +SAWIRO

Wednesday 21 November 20120 comments


Gabar aad uyar ayaa ku dhalatay iyadoo wadnaheeda uu banaanka yaalo, isla markaana uu garaacmayo, waxaana haatan ay kasoo bogsanaysaa kadib qaliin lagu bad baadiyay nolosheeda.

Audrina Cardenas ayaa ku dhalatay xaalad adag, kadib markii wadnaheeda uu yimid banaanka, waxaana xanuunka noocaas oo kala ah uu saamyeeyaa mid kamid  ah 8-dii Milyan aduunka

Hase ahaatee saacado badan oo qaliin loogu sameeyay Isbitaalka caruurta Texas ee Houston, ayay  Audrina ku caafimaaday, waxaana ay kasoo kabsanaysaa qaliinkii lagu sameeyay.


Audrina ayaa ku dhalatay cudur halis ah, taas oo keentay in wadnaheeda uu banaanka yimaado, qaliin naxdin leh oo lagu sameeyay ayaa muujinaya in wadnaheeda uu aad ugaraacmayayWaalidka Gabadhan ayaa sheegay in ay fikir adag qaateen markii gabadheeda qaliinka loo diyaarinayay maadaama ay nolol iyo geeri udhaxeysay. 


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved