Apple Oo ku Dhawaaqday Iphone 5

Tuesday 20 November 20120 comments


Shan sano ayaa laga joogaa markii Steve Jobs uu soo bandhigay mobile isbeddel weyn ku keenay isgaarsiinta.
Shirkadda adduunka ugu weyn ee Apple ayaa shalay waxa ay ku soo bandhigtay San Francisco Iphone 5.

Telefonkan cusub ee Iphone 5m, waa uu ka fudud yahay oo ka dheer yahay kuwii hore waxaana uu ku shaqeynaya 4G.
Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay Iphone 5.

Laakiin rajo kasta oo laga qabay naqshad hor leh in ay soo saaraan Apple ma aanay dhicin.

Iphone 5-ka cusub waxa uu u eg yahay 4S.
Nasiib darro qiimaha wax sidaa u weyn iskama aanu isbeddelin, laakiin ugu yaraan 4S iyo 4 qiimaha ayaa laga dhimi doonaa.

Waxa uu leeyahay kamero ka fiican kuwii hore, isla markaana waxa uu wataa barnaamijyo cusub oo aanay lahayn telefoonadii ka horreeyay.
Waxa suuqa uu soo geli doonaa 21 bishan Sebtember.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved