Dhacdo Xanuun Badan oo Loogu Magacdaray Hooyadu Waa Lama Huraan”Ha Aqrin Hadii Aadan Ka adkayn Karin Ilintaada”

Friday 30 November 20120 comments


Waxaan ahaa wiilka kaliya ee waalidkay, waxaana ahayn Qoys aad sabool u’ah, oo aan marar Dab helin waxay cuni lahaayeen.

Hadaan maalin helo waxyar oo Bariis ah oon ku qadayno, Hooyaday saxankeeda ayay kasoo ridi jirtay Bariiska waxayna oran jirtay “Hooyo cun ani baahi ima haysee!” Taasina waxay ahayd beentii kowaad ee Hooyaday ii sheegtay.

Markaan waxyar weynaaday, Hooyaday waxay u kici jirtay Badda s’iay noogu soo dabto Kaluun, markay soo hesho halkaluun ahna gurigay usoo ordi jirtay si’ay noogu kariso oon ugu Qadayno.

Maalina waxay soo heshay 2-Kaluun markay karisayna aniga waxaan cunayay Hilibkii kaluunka Hooyadayna waxay feenanaysay waxa yaryar ee kuharay lafaha dhexdooda. Waxaana hor dhigay kaluunkii 2-aad, waxaana ku iri Hooyo cun, weyna iisoo celisay iyadoo tiri: “Hooyo cun kanna, soo ma’ogid inaana kaluunka jeclayn” Taasina waxay ahayd Beentii Labaad ee Hooyaday iisheegtay!
Markaan Madrasada galay ma anaan haysanin waxaan kubixino Qarashka Iskuulka, Hooyadayna waxay u kacday Suuqa, waxayna kula soo heshiisay nin dukaanlay ah inay alaabtiisa kusoo wareejiso guryaha, dadkana soo tusto.

Habeen ay qabaw iyo Roob badan dhacayeen, baan Hooyaday guriga ka waayay, waana raadiyay waxaana arkay iyadoo alaab xanbaarsan oo Albaabada Xaafadaha garaaceysa. Waxaana dhahay, “Hooyo waad daashay, qabaw badanna wuu nahayaa, ee kaalay aan dheelmanee”, waxayna iigu jawaabtay “Hooyo anigu madaalani”, taasina waxay ahayd Beentii Sadexaad ee Hooyaday iisheegtay.

Maalin aan Iskuulka ku lahaa Imtixaan, Hooyadey waxay ku adkaysatay inay iraacdo, markaan galay fasalkana Qoraxda banaanka ayay igu sugtay. Markaan soo baxayna xabadka ayay sidiiran iigu xanbaartay, waxayna Ilaahay iiga Rajeysay inaan Guuleysto, waxeyna isiisay Biyo Qabow oo aad u macaan ey ii sii gaday, markaan cabayna waxaan arkay Hooyo Dhidid kada’aya, waxaana siiyay Biyihii, waxayna tiri “Hooyo cab aniga oon ima haayee”, taasina waxay aheyd Beentii Afraad ee Hooyaday iisheegtay.
Kadibna Aabahey baa dhintay, Hooyadeyna waxay noo noqotay Aabe iyo Hooyo labadiiba, waxaana Qassab kunoqotay inay daboosho Baahidayadi oo dhan, Nolasheyadii way sii adkaatay.

Waxaana Daris nala ahaa adeerkey wuxuuna nasiin jiray waxyar oon baahida iskaga kicino, dadkiina markay arkeen xaalkanaga oo sii xumaanaya, waxay Hooyaday kula taliyeen inay guursato nin aan Biil kahello, maadaama ay da’yar-tahay. Balse Hooyadey wey diiday iyadoo tiri “Ani jaceyl ima haayo”, taasina waxey aheyd Beentii Shanaad ee hooyaday iisheegtay.

Markaan Jaamacadii dhameeyay waxaan helay shaqo iska fiican, waxaana is’iri waa waqtigii ay Hooyadaa nasan laheyd oo anigu aan Guriga Biilkiisa bixin lahaa, xaalada Caafimad ee Hooyadayna weyba liidatay, isla markaana Miis yar ayay ku iibin jirtay Qudaarta. Weyna iga diiday inay nasato, waxaana isku dayay inaan Mushaarka qeyb kamid ah siiyo si’ay unasato, waxayna iigu jawaabtay “Hooyo lacagtaada iska hayso, anu waan haystaa kis igu filane”, taasina waxay aheyd Beentii Lixaad ee Hooyaday iisheegtay.

Anoo Shaqeeya ayaan sii watay Master Digree waana dhameeyay, waana dalacay, oo Mushaarkii baa la ii badiyay, Shirkadiina waxey isiisay furso aan dibada kaga soo Shaqeeysto, aadbaana ufarxay. Markaan safray oo shaqadii ii toostay waxaan lasoo xariiray Hooyaday oon ku’iri kaalay halkan igula noolaw, waxayna iigu jawaabtay “Hooyo anu kama caada dhiganin nolosha sare, ee halkayga ii dhaaf”, taasina waxay ahayd Beentii Todobaad ee Hooyaday ii sheegtay.

Hooyaday wey duqowday waxaana ku dhacay xanuun xun oo dilaa ah, waxaana Qassab ahayd in lahelo qof lajooga oo ilaaliya, ana aadbaan uga fogaa, balse waan u imid, waxaana arkay iyadoo sariirita aan kakici Karin. Markay i arag-tayna wey ii Qososhay, ana aad baan unaxay maxayeelay aad bay u daciiftay/ujilicday, weyna is badashay, ilintaana celin waayay, Hooyadayna waxay itiri “Ha oynin xanuun ima hayee”, taasina waxay ahayd Beentii Sideedaad ee hooyaday iisheegtay. Markay saas itiri indhahay xirtay mardanbana makala furin.

Qof kasta oo Rabbi ugu nicmeeyay inay Hooyadii nooshahay waxaa waajib ku’ah inuu nicmada aad ugu fara adygo intuuna weynin kahor. Qofkasta oo Hooyadiis Dhimatayna waxaa waajib ku’ah inuu xasuusto intay usoo Dadaashay, aadna ugu Duceeyo inuu Rabbi (swt) Janadii ka waraabiyo. aamiin aamiin

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved