 |
| Chelsea oo u dabaaldagaysa gool |
Chelsea waxay maalinta ka xumaysay tababarahoodii hore Andre Villas-Boas kaddib markii ay garoonkooda White Hart Lane 4-2 si laab leh ugu garaacday Tottenham.
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee kooxda Villas-Boas ay kahor timaad Chelsea tan iyo markii shaqada Chelsea isaga laga eryay sagaal bilood oo keliya markii uu tababaraha u ahaa kooxda Chelsea.
Ciyaarta waxaa goolka ku hormartay Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta hase ahaatee Tottenham waxay ciyaar la yaab leh soo bandhigtay bilawgii qaybta 2aad iyagoo labo gool oo degdeg ah ka gaarsiiyay daqiiqadihii ugu horreeyay qaybta 2aad ee ciyaarta.
Chelsea waxay horyaalka ku hoggaaminaysaa 22 dhibcood, waxaase tobanka maalmood ee soo socda ku soo fool leh labo ciyaarood oo aad u adag oo horyaalka ka baxsan, kuwaas oo ka kala tirsan koobka FA iyo horyaalka Yurub ee Champions League.
Waxaa kaloo si weyn u badisay kooxda Manchester United oo 4-2 ku dhufatay kooxda Stoke.
West Ham 4- 1 Southmapton.
Manchester City 2- 1 West Borom.
Swansea 2-1 Wigan.
Fulham 1-0 Aston Villa.
Post a Comment