Alan Oliveira oo la yaab dhigay

Monday, 22 October 20120 comments

Alan Oliveira waxa uu ka guuleeystay
 cayaartooyga reer Koonfura Afrika Oscar Pistorius

Alan Oliveira oo u dhashay waddanka Brazil ayaa noqday mid ka mid ah magacyada cayaartooyda cayaaraha fudud ee 2012 Paralympics kadib markii uu ka adkaaday Oscar Pistorius oo u dhashay Koonfur Afrika cayaaraha T44 200m habeenkii Axadda.
Oliveira, oo 20 jir ah, ayaa waxa uu ku qaaday biladda dahabka 0.07ilbiriqsi, taasi oo keentay in Pistorius - uu ku eedeeyo inuu ninka la tartamayay uu istcimaalayay biro ka dhaadheer kuwiisa.
Markii danbe ayuu raali gelin ka bixiyay.
Guuldarada Pistorius ayaa waxa ay qabsatay cinwaanada wargeysyada Isniintii - laakiin wax badan lagama sheegin ninka ka guuleeysatay.
Isaga oo ka hadlayay guushiisi ayaa waxa uu sheegay in uu dareen ahaan qiyaasi karin si uu u qeexo.
Oliveira oo ka soo jeeda dalka marti gelin doona cayaaraha Olympic iyo Paralympic ee soo socda ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Maraba ee dalka Brazil sanadkii 1992, waxaana labadiisa lugoodba laga gooyay 21 maalmood kadib, kadib markii uu cudur ku dhacay.
Sida uu ku warramay bogga la yiraahdo Terra.com, waxa uu bartay inuu socdo isaga oo laba jir ah, halkii uu saddex sano ku gaareyna waxa uu waday baaskiil, markii 8 sano jirsadayna waxa uu bilaabay inuu ku tartamo cayaaraha fudud.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved