Kooxdo Malaga Oo Isku Dayaysa Inay Man City Iyo Real Madrid Ka Horjoogsadaan Doonista Xiddigooda Isco

Wednesday 31 October 20120 comments


Malaga ayaa isku dayaysa inay ka horjoogsato kooxda Manchester City inay xiddigeeda Isco u ka xeysato Etihad Stadium. Sida ay qortay The Sun.
Agaasimaha cusub ee Manchester City Txiki Begiristain ayaan waqti badan ku dhuminin inuu soo jeediyo in kooxda ays oo xerogeliso ciyaaryahanka haatan lagu qiimeynayo 30 milyan ginni ee Isco.
Tababaraha City Roberto Mancini ayaa isaga laftiisa taageere u ah ciyaaryahanka Spain looga yaqaano Cesc Fabergas-ka cusub.
Waxaana uu daawaday xiddiga khadka dhexe ee Malaga oo 20 jir ah kulankii ay bishaan la ciyaareen Atletico Madrid.
Isco ayaa horumar weyn sameeyay xilli ciyaareedkii hore, taasoo keentay in looga soo yeero xulka qaranka Spain bishii May, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karo 17 milyan ginni.
Laakiin haatan Malaga ayaa isku dayaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo ciyaaryahanka oo ay ka dhigto lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa 30 milyan ginni, iyadoo rajeynaya in lacagtaas ay ka didi doonaan City iyo Real Madrid oo sidoo kale xiiseyneysa

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved