Kooxda Chelsea Oo La Filayo Inaysan Safin 2 Ciyaaryahan ee Kale ah John Obi Mikel Iyo Juan Mata Kulanka Caawa Ee Man United

Wednesday 31 October 20120 comments


John Obi Mikel ayaa lagu wadaa in caawa aan la ciyaarsiin doonin kulanka ay Chelsea geesaha isgeli doonaan Manchester United ee koobka Capital One Cup, sida ay qortay Daily Mirror.
Tababaraha Blues Roberto Di Matteo ayaa shaaca ka qaaday inuu isbedel ku sameynayo line-upkiisa kulanka Capital One Cup, ka dib 72 saacadood kulankii muranka badan dhaliyay ee labada kooxood ku dhexmaray Stamford Bridge.
Ciyaaryahanka khadka dhexe Mikel iyo ciyaaryahanka reer Spain Juan Mata oo labadoodaba la sheegay in hadalo aan habooneyn ay kala kulmeen garsoore Mark Clattenburg sida ay sheegatay Chelsea, ayay u muuqataa in la nasasiin doono.
Di Matteo ayaa yiri: “Waa kulankeenii afaraad ee muddo 10 maalmood ah, waxaana ay dhamaantood ahaayeen kulamo waa weyn, sidaasi darteed waxaan doonaynaa inaan dhiig cusub ku soo darno kooxda, islamarkaana ay ciyaarsiino ciyaaryahano da’ yar.
“Waxaan mar walba ka hadalnaa inaan horumar sameyno oo aan fursad siino da’ yarta, sidaasi darteed qaar badan oo iyaga ka mid ah kulankaan fursad ayuu u yahay.”

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved