Sidee Ku Kasbankartaa Qalbiga Xaaskaada Fadlan Aqriso Warbixintan.

Saturday 9 March 20130 comments


Guurka farxada iyo kalsonida badan  ku dhisan waa himilada uu ku himiyo qof waliba oo guur doon ah sidaa darteed waa lagama maarmaan in dadaal dheeri ah ama door muhiim ah  ay wada cayaraan labada qof ee nolasha ka dhaxeeyso lab iyo dhidigba

qormadan waxan kaga hadli doona siyabaha uu ninka xaskiisa kusoo jiidan karo , waqtiyada xigaana waxan ku eegi doonaa doorka gabadha ay ku hanan karto qalbiga seeygeeda, waana talabooyin aan isleeyahay in ay wax badan tari doonaan  lamanayasha nolol wadaaga ah ama kuwa haatan guntiga dhexda kaga xiranaya in ay guri yagleelaan ama ay  dhistaan insha’alaah:

  • Hadaba wiilyahow ha isku dayin waligaa inaad xaqirto xaaskaaga, waayo taasi waxay wax u dhimeysaa qalbigeeda, caqligeeda iyo shakhsiyadeeda, waxaana usii dheer ineysan ku cafineyn waligeed  xita hadii ay kugu tiraahdo waan ku cafiyay ,maxa yeelay dumarka dhaqsi kuma ilaabaan hadii seeygeeda uu wax u dhimo raad ayey ku yeelata, taasina  waa in aad ka taxadar lahataa.


  • Xaaskaaga wanaag usamee iydana  way kuu wanaag sameyn taasina waxaa ka mid ah  sida markay xanuunsantahay ama uur leedahay inaad u dabacsanaatid kana caawisid hawsha guriga hana moodin ka caawinta hawsha guriga in ay tahay wax hoos u dhigaya  ragganimadaada ama ay waajib ay ku tahay iyada kaliya, ma ogtahay  inuu Rasuulka NNKH ahaa markuu gurigiisa  joogo mid u adeega xaasaskiisa.


  • Ogow waxa dunida ugu qaalisan xaskaaga agteeda waa in  aad ku tiraahdo  waan ku jeclahay halka raga qaar ay moodayaan in ay hoos u dhigeyso karamadiisa iyo ninimadiisa in uu xaaskiisa u jilicsanado balase ogow xaskaaga in ay kaga baahan tahay in aad u muujiso kalgacal saafi ah.


  •  Ha kala bakheylin hadalada macmacaan ee qalbiga soo jiita sida  waxaad tahay iftiinka noloshayda, xita hadii aad ku kala maqnatan howlihiina in aad ku tiraahdo “waan kuu xiisay  inta aad iga maqneyd waxa iila mid aheyd sanado”.


  •  U hadiyey  xaskaaga wax waliba oo aad isleedahay in ay jeclaan karto sida ubax,barafuum, cadar iyo waxi la halmaala, waayo hadayaddu siduu inoo sheegay Nabigeena NNKH waxay siyaadisaa jeceylka.


  • Marka aad wada joogtan ama aad wada hadleysan haku  mashquulin gidaarada iyo meelaha kale, in aad  eegto xaskaaga waxey door wayn ka  qaadaneysa  jeceylka idinka dhaxeeya waxeyna kobcisa kalgacalka iyo raxmada idinka dhexeysa , ha kala bakheylin xaaskaaga inaad eegto, eegmo ay ku jirto kalgacal iyo raxmad.


  • Ha caadeysan in aad mar waliba careeysnato, daganaan iyo  xasilooni muuji hana caroonin, maxa yeelay carada  waxay aasaas u tahay kalgacal la’aanta iyo naceybka, hadii ay kugu khaldanto xaaskaga u cudur daar hana seexanin adigo u careysan, waxaadna xasuusataa wanaagii faraha  badnaa ee ay kuu gashay.


  • Isku day inaad xaaskaaga amaanto, kuna mahdiso markay wax wanaagsan kuu sameyso, wuxuu yiri nabiga NNKH  qofkaan ku mahdinin dadka Ilaahay kuma mahdiyo.


  • Iska jir beenta iyo balan xumida  sababtoo ah beenta waxay asaas  u tahay ineey dumiso guryo badan waxana  ka dhasha kalsooni daro iyo xumaan balse runta oo la isku sheegaa waxey  door muhiim ah ka qadaneysaa is aaminida iyo kalsoni badan oo kalgacal leh  in ay idinka dhex dhalato.


  • Ra’yigeeda dhegeyso oo ixtiraam raga uma badna kuwa dhageysta xasaskooda ama talo ka qaata laakiin qasab maaha in aad qaadato taladeeda waa ruux bini’aadam  ah way kula xuman karta balse muhiimadu waxa ay tahay in aad dhageysato oo aad si dagan wax isaga dhaadhicisan adigo ku dhahaaya “xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan u sameyn karin , laakiin kaaga waa ra’yi jira oo waan ixtiraamaya inkasta oo  aanan qaadaneyn  macanto wan ka xumahay iga raali noqo” dareensii in aad  ixtirameyso.


  • Caawi xaaskaaga oo ilowsii daalka  waxa muhiim u ah  xaaskaga in aad ka war qabto oo aad gacan ku siiso howlaha guriga lama huraan maaha in aad  jikada la gasho  ama dhulka la  masaxdo waxaad ku caawin karta xaaskaaga in aad soo iibiso waxyabaha guriga looga baahan yahay, sidoo kale caruurta in aad la ogaato waxbarashadooda, xitaa in aad u beer laxawsato oo aad ku tiraahdo waad daashay wan ka xumay in aan ku caawin waayo.


ugu dambeeyntii waxan aad u rajeynaya Raga Soomaaliyeedow  in aad farxad iyo wanaag intaa ka badan aad siin doontan dhigiina nolasha (xaaskiina) si aad u wadaagtan nolol farxad iyo kalsooni ku dheehan tahay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved