Maalinta Biyaha Adduunku, qiime intee le’eg ayey Soomaaliya ugu fadhidaa?

Friday 22 March 20130 comments



Meelo badan oo Qaarada Afrika ah waxaa weli ka taagan baahida loo qabo biyo la cabbo, waxaana ka mid ah meelaha ugu daran dalka Soomaaliya. Dhulka webiyada leh waxaa dadku u dhintaan cudurka Kaadi Dhiig markii ay cabbaan biyaha webiga ee aan sifaysneyn


Maanta waxay ku beegan tahay 22 March, waxaa sanadkasta maanta oo kale dunida laga xusaa Maalinta Biyaha ee Qaramada Midoobey u asteysey, inkasta oo ka hadlidda iyo xuska biyuhu muteystaan maalinkasta, marka la eego muhimadda ay noolaha u leeyihiin ayaa maanta oo kale dadka dhanka biyaha ka hormarey ee booyadaha hal mar ku qubeystaaa la xasuusiyaa baahida ay dad kale u qabaan Biyaha, iska dhaaf in ay helaan biyo nadiif ah ee waxaa mararka qaarkood ay u dhintaan in ay waayaan kuwo wasakheysan oo ay caruurta ku habaan.

Allaah waxa uu marar badan Binii’aadamka ugu manno iyo gallad sheegtaa nimcooyinka uu siiyey oo biyuhu ugu horeeyaan, isaga Binii’aadamka ku tusaaleysiiya sababta uu u muteystey in ay caabudaan, waxa uu qur’aanka ku weydiiyaa biyaha uu cirka ka keenaayo, oo ay cabbayaan beeraha iyo dallagana ku abuuranayaan, mararka qaarkood Allaah waxa uu weydiiyaa dadka uu isagu abuurtey ka warama biyaha aad dhulka hoostiisa kala soo baxaysaan haddii aan ka dhigno mid aan wax gaari karaa jirin. Allaah waxa uu biyaha ku tilmaamey in ay nolol u yihiin wax kasta oo naf ku jirto.



Meelo badan oo Qaarada Afrika ah waxaa weli ka taagan baahida loo qabo biyo la cabbo, waxaana ka mid ah meelaha ugu daran dalka Soomaaliya. Dhulka webiyada leh waxaa dadku u dhintaan cudurka Kaadi Dhiig markii ay cabbaan biyaha webiga ee aan sifaysneyn, halka gobolada Saxaraa xigeenka ah noloshu ay tahay mid aad u adag, waxaad arki caasimado habeenkii biyaha safaf dhaa-dheer loo galo, halka magaalooyin kale xoolaha iyo dadku ay habeeno ku baryaan ceelsha aan biyaha badan lahayn, iyada oo la marayo heer dunida qaarkeed aysan is weydiin baahida biyaha sifeysan, ayaa la dhihi karaa dadka Soomaaliyeed inta hela ama cabba biyo sifeysan markasta ma ahan 3 boqolkiiba.

Qaarada Afrika ayaa la sheegaa in SAACAD walba dad gaaraya 115 qof u dhintaan cuduro la xariira biyo aan sifeysneyn oo ay cabeen. Caalamka oo dhan ayaa la sheegaa in dad gaaraya 2.5 Bilyan oo qof aysan heysan biyo sifeysan.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa iyagu markii ay xil donayaan yiraahda, waxaan wax ka qabanaynaa dhibaatooyinka biyaha si qoyskasta oo Soomaaliyeed u helaan biyo nadiif ah oo ay cabbaan, helaana miis cuno saaran tahay, waa erayo beer-laxawsi ah, oo buugaag kale laga soo akhriyey aanse la garan karin qaabka loo hirgeliyo, danta uu ka lee yahayse tahay in la dhaho “Khudbad wacan ayuu jeediyey”

Haddaba waxaan dhihi karnaa qiime weyn ayey ugu fadhidaa maanta oo kale Soomaaliya, nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku tiirsan tahay Xoolaha nool iyo wax soosaarka beeraha labaduba waxay u baahan yihiin biyo, haddaba maanta oo kale ma waxaan ku xusnaa shirar ay soo abaabuleen NGO yar oo boorar lacag ku soo bixiyey, mise waxaa loo baahan yahay in si dhab ah looga tashado sidii biyaha gunta dhulkeena ceegaaga uga faa’ideysan lahayn.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved