Xanuun Badanaa Nabarkii Iga Soo Gaaray Nimbuzz”Qiso Jaceyl oo Xanuun Badan”

Thursday 14 February 20130 comments



Sheekadaan waa  dhacdo dhab ah oo ka dhacday magaalad nairobi Ee dalka Kenya , waxeena dhax martay wiil iyo gabar somaliyeed , ooku nool xaafada islii  Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya,

Hibaaq wa gabar 25jir ah oo kunool magalada Nairobi dalka Kenya waxena lanoo shahay habaryarteed  oo waayeel ah. Waxeey kabaratay aalda Nimbuzz-ka looyaqaano Hanad yare,Hanad  waaa wiil lanool famil qaraabadiis ah uu lasoo koray Wax shaqo ah uu Qabto Ma Jirto,

HaBeen haweenada kamid ah waxeey qadka iska barteen hibaaq, Barasho kadib wexeey sheekeesteen  modo todobad ah, waxeey isku afgarteen in Ay xariir yeeshaan taasoo caada u ah, wiil iyo gabar markeey isbartaan,

Hanad Waxa uu ahaa Wiil Afmiishaar ah Isla Markaana aad U Yaqaana Sida Hablaha Loo Soo Dabo Waxa uuna Durbo Go’aan Ku Gaaray In Uu Hibaaq Ku Argagixiyo Geeraaro Jaceyl oo aan Loo Joogin Waxa uu Ugu Horeyn Iyagoo aan Mudo Sidaa ubadan Is Aqoon U Diray Geeraar aad U macaan oo  Waliba uu Ku kala Gooyay Si ay U sii Macaan sato Waxa uuna Geeraarka U qornaa Sidaan

‘Dahab baa lagu moodaa haduu ruux ku daawado kaam daayo eegmada  Danihiisa wuu gabaa,

Da’yar wacan ina tahay dadkan usheegayaa  Daliil uma baahna Da’yarti qurxoneed ,

Dahab lamood inaathay Daah igama saarna Dooq haduu jiro, macaaneey bye,Intaas ayuu kusoo gabagabeeyay Hanad,

Asagoo ugalajeeday in uu kusoo jiito hibaaq, Somali waxeey ku maah maahdaa nin runsheegin been ayaa u qarsan, baryahaan barbaarta beenta kama dheeraadaan, Hibaq markeey aragtay massegeka, ayee qososhay, waxeena talo u aaday sxbteedi  “sxbeey 1isbuuc ayaa isnaqaanaa qofkan geeraarkaan ayaana  kabaxaaya  ayee tiri”

Tala naageed  tabardaranaa, [Qoomki naag talo u dhiibtay weey be’een]

“qofyaheey qofkan Wuu kacasanyahay abwaan miyaa? Waxaan  filaa Nimbuzz ayuu kasoo Koobiyeeyay,  Adne mid Qatar ah udir ana kuu haayo Oo aan raga kubeer jileecsado ayee tiri  Hibaaq sxteed”

Intaa ayaa lisku afgartay, waxaa haweenki  danbe loo diray Hanad massegki  cajiib ah waxuuna ahaa  sidan,
Cawa kasta anba cindigaan kugu hayaa  abowe anba
Cindigeyga wuxuu tabaa
Guri inaan wadaagno
Galabtii alle keena
Garaadkaan kuu hayaa
Gacan wacan ii fidi
Haddaan garabka la i qaban
God caawa inaan kalo Go,aan ku gaaray. Baby I love you, haween wanaagsan. Intaa ayee tiri.

[Ninaan wax ogeen ilaah macadaawo] wixii lasii wado xariirki kudhisnaa  beenta iyo barabagaantada. 6bil kadib waxaan lagu balamay in lisku diro sawiro si aad lisku sii barto madama balan lagu galay in nolasha lawadaago,
hanad waxuu udiray sawir uu sxbkiis lahaa maadama asaga uusan aad u quruxbadneen, Hibaaq waxaa gaaray, sawir Aad uqurux badan oosoojiitay, balse waxaa dhaga faar ku noqday sidii eey usoo jiidan leheed, waxee y go’aan satay in eey raadiso sawir udhigma kana quruxbadan maadama Dumarka eey jecelyihiin in eey kaquruxbadnaato  qofka  xariirka eeleeyihiin , waxeena udirtay sawir quruxbadan oo eka soo heshay facebook-ka, Hanad ayaa farxad laseexan waayay  haweenkaas  isla markaana maskadiisa waxee soo maaxatay,

“Hibaaq dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
Hibaaqeey dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo. Qali.”

qalbigaaga haduu ku qayaano dhib badanaa, waxuuna ka codsaday in eey kulmaan, waxaana lagu balamay in lagu kulmo 4th street waqti galab ah, Galabti danbe  ayaa lagaaray qof waliba waxuu sooqaatay labiskii ugu fiicnaa ee guriga uyaalay, Hanad inta uusan guriga kasoo bixin ayuu massage iska hormariyay, Oo adkeenaya balanta maxaa yeelay waxuu kabqay in Looganbiyo, oo qaboowga banaanka kudilo fariinta waxeey eheed saan,

cahdi been ah lamagalo wacad lama ilaawo

Ruuxi ku aamino lagama indha saabto

balanta iyo axdiga habeeneen,

ayuu kusoo xeray hadalkiisi, in laguu gambiyo ayaa kuu rooneed hanadoow, hibaaq iskama waalin iyadoo  niyada udhiseeso waxeey ugu soo jawaabtay,

“haka baqin calafka, xurmeey caashaqa, ku kalsoonoow dooqaaga, wahesho jaceylka, uroonoow nafateeydiyoow karoonoow ragoo idil Rabi hanisku keesimo,

intaa kadib qofkasta waxuu soo wajahay goobti balanta, lakin hibaaq waxeey horay usoo wadatay saxiibteed oo horayna hoosha ula socotay, qofkasta waxuu soo hor istaagay goobti, Beeni raad maleh qofba qofki kale ayuu aqoonsan waayay oo walisku wareeray, sikastaba ha a haatee waa lisgartay maxaayeelay qofba kasta Shacuur ayaa kamuuqatay iyo tawid qofka kale, salaam kadib, hadalki waxaa ku hormaray hanad oo yiri, “gabdho waa idin salaamay balse hibaaq waa tuma” indha adeega qarkiis dhib badanaa, hibaaq ayaa tiri” hibaaq waa ani walaal adi miyaa hanad?”  Hanad: haa waa ani qofki aad sugeesay kulanti wacan”  hibaaq madaxa ayee gilgishay oo hanad meesan kahelin isla markaana sawirki quruxda badnaa asaga ma ahan, iyadoo kaxun ayee tiri,  “ raali noqo abowe ani kaama helin” hibaaq waa qof hadal adag oo wilka meesan iska qancin,  Hanad intaa markuu maqlay ayuu isbadalay isla markaana hadalki ayaa ku dhagay, maxaa yeelay, fariinti ugu danbeesay eeka timid hibaaq ayaa xasuus ku reebtay, Hanad JAC ayaa gaartay [Nin Qoyan Biyo Iskama Dhooree] waxuu go’aansaday meesha ee doonto ha u Ciirtee, in uu Aarsado, waxuuna ku jawaabay GACAN, [Feeri iyo haraanti] isla marki waxaa kaqabtay dad goobta kusugnaa, waxuuna ku qeeli naayay, “ kaama helin aa? Intee la’ahay, Hibaaq Oo wejiga Kadhaawacan ayaa goobti isaga carartay, isalmarkaana NABAR kasoo gaaray qeeba kale oo jirka katirsan intaa waxaa dheeraa kan Kasoo gaaray QALBIGA, Guul daro tan ugu xun, aloow naga dhoor,Awal ayaa layiri labadi xaqdaro kuheshiiso xaqaa isku diro, qofkasta markii guriga oo ku laabtay ayee hurdadi kahaaday oo waxuu galay xasuus uu xasuusanayo fariimihi quruxda iyo macaanka badnaa ee qalbiga uroonaa qofkastana waxuu  eedeeyay nimbuzz asagoo dhahaya   “Nimbuzoow nolol iyo naxariisaa ku mooday, nimco iyo naruuro  ku mooday,wehel aad kaheshidaa is lahaa wahel kadhigo wareerka haku daayo ayaan islahaa, nabarkaan igu dhacay Nimbuzz baa usababoow ala wuu inus qaanshay niyadaan dhistaa naxariis been aa jirin nolosha ku raadshaa,” shalayto wee danbeesaa ee mahoreeso,Maaso jaceyl waxee leedahay,

1. Jacayl dhab ah:- Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeystaan

2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii

3. Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma.

4. Jacayl Xushmo:Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta.

5. Jacayl Socod wadaag:-Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado.

6. Jacayl Guud:-Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm

7.Jacayl Laab-la-kac ah:-Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.

Qokii Nimbuzz isticmaaloow is jir beenta waa sheey xaaraan ah, gabareey is jir yaana lagu feerin wiiloow walaashaa ha qiyaanin,    Soo diyaariyaha sheekadan waa qofka  kusaxiixan.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved