Wasiir isu casilay xatooyo qoraal oo waqti dheer kadib ku cadaaday iyo fadeexad soo wajahday.

Monday 11 February 20130 comments




Annette Schavan oo kamid aheyd wasiirada dalka jarmalka ayaa waxa ay is casishay kadib markii baaritaan dheer oo ay sameysay jaamacad ay horay uga soo baxday lagu cadeeyay in ay soo koobiyeeysatay buugeedii qalin jebinta ayna ku shegtay mid iyadu ay qortay.

Haweeneydaan xilkeda kuweysay fadeexada ay kadaba kentay jaamacadii ay kasoo qalin jebisay ayaa waxa ay aheyd wasiirka wax baashada ee Jarmalka iyadoona saaxiib dhaw la’aheyd Angela Merkel Haweeneyda R/Wasaaraha Dalkaasi.

Wasiirada xilkeeda katagtay ayaa sidoo kale waxa ay weysay shahaadadeedii ay horay u qaadatay oo dib loogala laabtay kadib markii ay buuxin weysay shuruudihii shahaadada ay ku qaadan laheyd.

Talaadadii tagtay ayaa jaamacada Duesseldorf Heinrich Heine waxa ay ku dhawaaqday in ay kala laabatay
Annette Schavan shachadada doctorate kadib dib u eegis waqti dheer qaadatay.

Chancellor Angela Merkel ayaa waxa ay shegtay in ay aad uga xumaatay fadeexada soo wajahday wasiirada iyo waliba shaqada ay katagtay waxa ayna sheegtay in ay isqataaqaladeeda ka gudoontay iyada oo aan ku faxasaneyn sida wax u dheceen.


Sanadii 2011-kii ayaa wasiirkii difaaca ee dalkaasi Jarmalka, Karl-Theodor zu Guttenberg uu sidaan oo kale isu casilay kadib markii lagu andacooday in uu qoraallo xaday uusanna ku xusin dadkii uu kasoo qatay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved