Vuvu Oo Hablaha U Digeysa Ayaa Waxa Ay Tiri “kuwa bad qaba ha isku badnaadaan”

Sunday 3 February 20130 comments




 Haweenka dhalinyarada ah ee dalka Koofur Afrika ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyin ay ku qabaan raga aan shaqeyn ee ay bilaan talaabooyin naf jelcleeysi ahana ka qaada marka ay musalafaan.

Shabakad ka faaloota arimaha bulshada oo laga leeyahay dalka koofur Afrika ayaa soo xigatay qof dumar ah oo calaan calaysa.

Shabakadaas ayaa qortay in khayaano xun loo geestay inan yar oo wax kasta oo ay heli kareysay siisay wiil ay saaxiibo yihiin oo ay nolol wadaagi jireen.

Gabadha cabaneysa ayaa sheegtay in ay tahay qof yar oo xil kas ah, aqoona leh laakin ay jaha wareesan tahay maadaama uu afka ciida u galiyay qof ay ku kalsooneyd.

Qofkaan dumarka ah ayaa sheegtay in Sanado ay biileysay wiilka ay saaxiibada ahaayeen laakin aysan ka macaashin wanaagaa.

Gabadhaan oo magaceeda ku soo gaabisay Vuvu ayaa sheegtay in aysan hadal ku dheeraan karin muhimada cabashadeedana ay tahay in ay u digto dumarka kale ee bad qaba




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved