Soomaalida kunool K/Afrika oo kawada Hadlay sida looga Hortagi karo Dhibaatooyinka lagu hayo(Daawo Sawirada)

Tuesday 5 February 20130 comments





Dood Cilmiyeed socotay laba maalmood looguna hadlaaayay sida loogu hortagi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka loo gaysto Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ay ka qeyb galeen Safiirka iyo Aqoonyihanno lagu soo gabagabaayay halkaas.

Doodan oo ay Aqoonyihannad si weyn u falaqeyeen waxybaaha sababa in
Soomaalida ganacsatada ku ah dalka Koonfur Afrika si gaar ah loo
bartilmaameedsado iyo sida ugu macquulsan ee loogu hortagi karo iyagoo
Aqoonyahnnad ay kasoo saareen Doodaasi qodobo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin sida Soomaalida loogu sameyn lahaa wacyigalin iyadoo dhanka
kale doodaasi lagu soo qaaday siday ugu qeyb qaadan lahayeen Jaaliyada
Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika siday ay ugu qeyb qaadan
lahaayeen dib u dhiska dalka,

Dhanka kale Kulan uu kula qaatay Safiirka Soomaalia u fadhiya dalka
Koonfur Afrika Jaaliyada Rustenburg gudaha Safaaradda sida ay
ganacsatada Soomaalida u taageeri lahaayeen Safaaradooda iyo waliba
dowladooda isagoo Safiirka sheegay in ay Safaaradda u baahantahay
taageero ay ka helaan maadama ay Safaaradda ay u adeegto Muwaadiinta
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan isagoo intaasi ku daray in aan wax
dhaqaalo ah helin wixii hada ka horeeyay,

Mar u Safiirka ka hadlayay boob dhawaan loogu geystay ku dhawaad
todobo iyo toban dukaan ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed
Kurunbushle ee hoostagta magaalada Porte Elezphet ayuu sheegay
Safiirku inuu aad ugu xunayahay boobka loo gaystay ayna arimahaasi
kala hadli doonaan Dowladda Koonfur Afrika,

Maalmahan dambe ayay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika
dadaalo lagu doonayo sii ay ay u yaraan lahaayeen dhibaatooyinka loo
gaysto Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika balse aan wali joogsan
dhibaatooyinkaasi




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved