Somaliland oo sheegtay in aysan ka qayb galayn Shirka London ++(Video)

Saturday 9 February 20130 comments



Gudomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Sinaanta ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu shegay in Somaliland aysan ka qayb galayn shirka bisha may lagu wado in uu ka dhaco Magaalada London.

Gudomiyaha ayaa waxaa uu arinkaasi shaaciyay ka dib marki uu soo baxay war sheegaya in shirka Bishaa may ka dhacaya Magaalada London uu shirgudomin doono Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Shirka london ayaa waxaa loga hadli doona arimo badan oo qoseeya Somalia waxaana qayb muhiim ah uga jirta sii socodsiinta Wadahadaladi u socday Somalia iyo Somaliland.

Qaybta hoose ka daawo hadalka uu Eng Faysal Cali Waraabe ka jeediyay Munaasabad uu xisbiga ucid ugu dabaaldagayay guushi u ka soo hoyay Dorashooyinki Dowladaha Hoose ee Somaliland.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved