Nin Jaceyl Dartiis isku Gowracay Magaalaad Muqdisho (Digniin ha Daawan Sawirkan hadii aadan awoodin)

Thursday 28 February 20130 comments



Magaalada Muqdisho maalmo kahor waxaa ka dhacday Dhacdo xanuun badan dad badana la yaabeen kadib markii Wiil dhalinyaro ah uu Jaceyl dartees midi af badan qoorta iska mariyay uu isku gowracay.

Wiilkan Dhalinyarada ah ayaa la sheegay in Naag uu Jeclaa uu ku guuldareestay in uu helo markaa kadibna uu go’aan ku gaaray in nolosha uu is dhaafiyo ,isagoona xiligaa kadib tagay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka lagu iibiyo Hilibka halkaasna ka dafay midi af badan kadibna qoorta iskaga bilaabay inkastuu uusan iska wada goyn oo markii uu xanuunsaday Mididii tuuray.


Dad badan ayaana amakaag iyo yaab ku noqotay Falkan uu ninkan ku kacay iyadoona Xiligaasi kadib loola cararay Isbitaalka Dayniile isaga oo qoyrtiisa qeyb kamid ah go’antahay dhiigna badana uu ka dur durayo ..



Kalkaaliyaal kusugan Isbitaalka ayaa sheegay in Ninkan la keenay laguna Daweeyay isbitaalka Maalmo kahor loona sheegay in Jaceyl dartiis isku gowracy iyagoona xusay in marka aabihiis arinka wiilkiisa wax laga weediiyo kaliya uu iska qoslayo wax jawaab ahna uusan ka bixineyn.

Dhacdadan yaabka leh ayaana si aad ah looga hadal hayaa Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyadoona dadka inta badan dhacadn ku sheegeen mid maskaxda ka weyn in Qof uu Noloshiisa isku dhaafiyo .

Shabakada Hablaha.com ayaana Maalmo kahor soo tabisay in Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho lagu arkay Nin qowrta ka go’an qeyb kamid ah meel wadaha ahna jiifa taa oo dhabagal badan aan kusameenay noogu suurto gashay in aan soo helno arinta ninkan iyo sawiradiisa.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved