Maxkamada Hargeysa oo xukuntay Gabar uu xiray Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Tuesday 12 February 20130 comments



Nadra Maxamed Jaamac ayaa bishii lasoo dhaafay ee Janaayo lagu xiray xabsiga Hargeysa kadib markii uu dacweeyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa xukun ku riday Gabar uu soo xiray Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland oo sheegay inay caysay.
Wasiirka ayaa ku eedeyey haweenaydan Nadra inay fariimaha Telefoonka ugu soo didhay hadalo cay iyo hanjabaad isugu jira, isagoo sheegay in uu adkeysan waayey hadalada uu sheegay inay ka baxsanaayeen dhaqanka oo si joogta ah telefoonkiisa ugu soo dhici jiray.

Ehelada Nadra ayaa iyagu dhankooda si weyn uga hadlay jirdil gabadhaasi loo geystay, isla markaana xabsiga weyn lagu hayey intii maxkamada socotay iyo waliba muddo dheer kahor intaan danbiga lagu soo oogin.

Maxkamada Hargeysa ayaa maanta ku xukuntay muddo 8 bilood ah gabadhan Nadra Maxamed Jaamac, oo iyadu hada muddo bil ah xabsiga ku jirta.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji
Xariga Nadra ayaa ah mid si weyn looga hadal hayey magaalada Hargeysa, waxaana labo todobaad kahor markii maxkamada bilaabatay xubnihii Maxkamada ka hor hadlay kamid ahaa Wasiirka Xirsi Cali oo eedeynta kusoo bandhigay halkaasi xili amniga maxkamada iyo wadooyinka hormara si weyn loo adkeeyey.

Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka ee ka jira Somaliland ayaa sheegay in xariga Nadra uu astaan u yahay cadaalad xumada ka jirta Garsoorka Somaliland iyo waliba ku takri falka awooda dowlada ee uu adeegsaday Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa isagu sheegay inuu ku qanacsan yahay in xabsiga la geeyo gabartaasi caysay sida uu sheegay, isla markaana ay tahay in la edbiyo qof walba oo caaya Madaxda Qaranka waa siduu hadalka u dhigayee.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved