Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Isku Raacay Ajandaha Baarlamaanka 2013

Tuesday 12 February 20130 comments





Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013 iyo arimmo kale.
Kulankan oo ahaa kulankii Labaad ee ay yeeshaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka tan iyo intii ay Xildhibaannada Baarlamaanku galeen fasaxooda sanadlaha ah ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaana ugu horeyn ay gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ka doodeen jadwalka xil gudashada Baarlamaanka sanadkan 2013 sida howlaha uu Baarlamaanku qaban lahaa maalin walba amaba bil walba ayadoo dood kadibna ay gudiyada joogtadu ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013.
Ajandaha Labaad ee ay ka hadleen gudiyada joogtada ee Baarlamaanka ayaa ahaa magacaabidda Xogaha Guud ee Golaha Shacabka waxaana ay gudiyada joogtadu ansixiyeen in Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux uu noqdo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale gudiyada joogtada ee Baarlamaanka waxey ka hadleen fulinta Istiraatiijiyada Afarta sano ee Baarlamaanka laga doonayo iyo fulinta xeer hoosaadka Baarlamaanka kaasi oo ay horey Xildhibaannada Baarlamaanka u ansixiyeen waxaana ay gudiyada joogtadu dhinacyo kala duwan ka eegeen in sida ay tahay ee loo ansixiyey loo hirgelin doono haduu Alle idmo.
Ugu dambeyntii gudiga joogtada ee Baarlamaanka ayaa waxey ka hadleen socdaalka ay gobollada kala duwan ee Dalkeenna ku marayaan Xildhibaannada Baarlamaanka si ay usoo ogaadaan baahida dhabta ah ee ka jirta deegaannada iyo degmooyinka ay kasoo jeedaan taasi oo qeyb ka ah istiraatiijiyadda uu gudoonka Baarlamaanka horey ugu dajiyey Xildhibaannada in Xildhibaan walba mudada fasaxa uu Baarlamaanka ku jiro uu aado gobolkiisa si uu warbixin dhameystiran u keenno marka uu furmo kala fadhiga Labaad ee Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulanka ayaa aad u ammaanay Hormarka Xildhibaannada ku maqan gobollada Dalka sameeynayaan waxaana uu gudoomiyaha ku guubaabiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka iney sii wadaan kulammada xog wareysiga ah ee ay la yeelanayaan dadka deegaanka ayadoo ugu dambeynna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Alle uga baryey Xildhibaannada gobollada ku maqan in socdaalkooda ay si nabad ah kusoo dhameystaan.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved