Feysal Cali Waraabe oo si adeg ugu jawaabay Faroolaha Puntland.” Waxba ha isku kaaya dhejin anaga , hadaad go’eyso” (Daawo Video )

Sunday 3 February 20130 comments

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa jawaab cad ka bixiy hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland Dr, Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalka Faroole kasoo yeeray ayaa ahaa inay jiraan wadahadalo u socda iyaga iyo Somaliland kaasi oo ay dhici karto inay kasoo baxaan go’aano ay wada-jir u qaataan labada maamul.

Waxaana uu si gaar ah Faroole u sheegay inay wadahadaladaasi kasoo bixi karaan inay Somaliland iyo Puntland kuwada biiraan Soomaaliya ama ay gooni uwada istagaan. Waa sida uu sheegay Faroole.

Laakiin hadalkaasi ayaa waxaa halgool-dheer ku fogeeyey inay dhici karto Gudoomiye Feysal Cali Waraabe kaasi oo sheegay inaysan marna gogol la fariisan doonin Abdiraxman Faroole iyo maamulkiisa. Isagoona dhinaca kale u sheegay inuu Faroole iyo Puntland u aqoonsan yahay inay Soomaaliya ka mid yihiin.

” Faroole waxaan ku leeyahay waxba ha isku kaaya dhejin anaga, hadaad go’itaan u baahan tahay gaarkaaga u go’ ama dowlada Soomaaliya ee aad ka mid tahay isaga jir, Kolleey socon meyso maamulkaaga reereysan ee aad madaxda u tahaye” ayuu yiri Guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe oo jooga wadanka Holland ayaa arrintan wax ka weydiiyey. Feysal waxaa uu arrintaasi uga jawaabay ka daawo muuqaalka hoose.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved