Daawo Nin Wax lala yaabo ku sameeyay jirkiisa (Sawiro)

Monday 4 February 20130 comments

Mandela Danyo waxa uu u dhashay dalka Mareykanka, in mudda ah waxa uu la xanuunsanaa Jaceyl isaga oo waxbadan ka badalay Noloshiisa, Mandela waxa uu jeclaa Haweeney u dhalatay Dalka Ingiriiska waxa uuna usoo bandhigtay Jaceylka uu u qabay Haweeneydaasi.

Dhowr Sanno kadib Haweeneydii lagu magacaabayay Maria oo uu Jeclaa Mandela waxa ay bilowday inay dayacdo Jaceylka Mandela waxa ayna ku biirtay Haweenka Jila Riwaayadaha dalkaasi Ingiriiska iyaga oo durbadiiba guursatay Nin Jilaa ah.

Maria aqal galkeeda kalama aysan tashan Mandela oo ahaa nin ay wada galeen Axdi hayeeshee waxa ay indhaha tirtay Mandela waxa ayna muddo kadib u sheegtay Mandela inay iska dhaaftay Jaceylka ay u heysay islamarkaana ay calmatay Nin dhigeeda ah oo ay isla jilaan Riwaayadaha Nasiib daro
waxaa is-bedel ku imaaday nolosha Mandela waxa uuna u tafa xeytay waali isaga oo mar qurah isku bedelay nooc aan lagu aqoon waxa uuna ‘’Durtay gabi ahaan Wajigiisa’’ sida idinkaga muuqata Sawirka.

Si kastaba ha ahaatee Mandela waxa uu bilaabay inuu magaaladda ku wareego waji aan lagu baran waxa uuna ka dhex baxay Bulshadii uu ku dhex noola waxa uuna caadeystay inuu wadooyinka ku damaashaado Muuqaalka iminka idin muuqda, mana jirto Cid iska xil saartay bad-baadinta Mandeela oo ah nin la xanuunsaday Jaceyl.











______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved