Ciyaarta Sariirta: Waxaa Door Muhiim Ah Kaqaato Salaaxista, Shumiska, Istiiminta Fudud, Iyo Ereyada Macaan Hoosta Laysugu Dhigo.

Thursday 28 February 20130 comments


Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biyabbaxaan, u qaataan in hawshii galmadu ay dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon dheg jalaq u siin dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo haweeneyda.

Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicinin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biya baxo oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon biya bixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal eega Aayadda Qur’aanka ah:(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale). Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey: (Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay idiinka ay idin kugu raaxeeyaan).

Haddaba waxa loo baahan yahay inay biya baxa ka dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu biya baxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo.

Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog. Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxaa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biya bax.

Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa gudaha cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaadee, waana in haasaawihii, shumiskii iyo istiimintii halkii ay kasii socdaan ilaa ay biya bax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh isugu nabto, jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala daadato, cambarkuna geedka dibadda isaga soo saaro, iyadoo si fiican u kala  daadata kadibne iga deg ku tiraahdo.

Ulajeeddada kale ee laga leeyahay isku sii dhexjirku waa iyada oo haweenka aanu kacsigu hal mar ka go’in, balse uu si tartiib tartiib ah uga soo jabo oo uga baaba’o. Haddaba salaaxista, shumiska, istiiminta fudud, iyo ereyada macaan ee jacaylka iyo ammaanta isugu jira ee ninku ugu deeqo ooridiisu waxay si tartiib-tartiib ah uga soo dejiyaan buurtii uu saaray kacsigii ka dhashay hawshii dhammaatay, ilaa ay ku soo noqoto xaaladdii caadiga ahayd.
Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho. Halkaasi kolkay arrin marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray.
Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar darri iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo xubnaha jirkoodu ay u kala daadanayaan si raxmad kujirto iyo neef laga dheehan karo inay isku hagar baxeen .

Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale bogga kaga jiro.
Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biya baxa kadib geedka kusii hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi. Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in galmada hore kadib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto garoonka la iskula laabto. Waase in biya baxa labaadna lagu soo af-jaraa isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved