Xukumada Federalka oo cambaareysay Weerarkii Buulo Mareer iyo Cabdulqadir Siidi oo sheegay inay NATO lasoo xariireen++(Video)

Sunday, 13 January 20130 comments





Kulan deg deg ah oo ay xalay xili danbe magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkii ciidamada Faransiiska ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Buulo Mareer.

Kulankan oo uu ka qeyb galay Raysalwasaaraha DFS iyo inta badan golaha Wasiirada ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, waxaana looga hadlay weerarkii ciidamada Faransiiska oo la sheegay in aan lagu wargelin dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf oo la hadashay Warbaahinta Dowlada shirkaasi kadib ayaa sheegtay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin in aysan waxna kala socon, isla markaana u tacsiyeysay dad rayid ah oo ku dhintey hawlgalka ay fuliyeen ciidamada Faransiiska.

Dad rayid ah oo la dilay

Cambaareynta Dowlada Soomaaliya ayaa soo baxeysay xili ay warar dheeraad ah kasoo baxayaan weerarkii Buulo Mareer ka dhacay saqdii dhexe habeenimadii ay soo galaysay Sabtida, waxaana la sheegay in dad rayid ah inay dileen ciidamada Faransiiska.

Warar si weyn isu soo taraya oo laga soo xiganayo dadkii ku dhaqanaa degmada Buulo Mareer ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay ku degeen meel ka fog goobtii ay weerarka ku ahaayeen ayagoo watay diyaaradaha helikobterka, waxaana jira warar sheegay in beertii ay diyaaradahaasi ku degeen dadkii rayidka ee lahaa ay toogteen ciidamada Faransiiska.

Sidoo kale waxaa jira warar ay saxaafadda siiyeen qaar kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ka badbaaday weerarkaasi oo la sheegay in ay ayagu waceen  Al Shabaab oo ay ku wargeliyeen ciidamada kusoo socda kadib markii la dilay shacabkii ka ag dhawaa beerta ay diyaaradaha faransiiska kusoo degeen.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay sugayeen markii ay goobtii ay gaareen ciidamada Faransiiska, waxaana la sheegay inay horey halkaasi uga sii kaxeeyeen isla markiiba ninkii ay heysteen Dennis Allex oo la rumeysan yahay hada in la dilay.

Ciidamada Faransiiska ayaa iska horimaad xoogan halkaasi ku dhexmaray  Al Shabaab oo ayagu fursad u helay inay isu sii diyaariyaan ciidamada kusoo wajahanaa oo meel dheer uga soo tagay diyaaradahooda, waxaana halkaasi lagu dilay mid kamid ah ciidamada Faransiiska ayadoo sidoo kale weli la la yahay meel uu ka baxay mid kamid ah ciidamada Faransiiska oo la sheegay inay ka tageen diyaaradihii helikobterka ahaa ee halkaasi ka qaaday ciidamada ku guuleysan waayey inay soo furtaan Dennis Allex oo muddo sadex sano ah ay afduub ku heysteen  Al Shabaab.

Wasaarada Difaaca ee Faransiiska ayaa shalay qirtay in weerarkii Buulo Mareer looga dilay hal askari, isla markaana ay weli la’a yihiin mid kamid ah askartii weerarkaasi ka qeyb qaadatay.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ciidamada Faransiiska oo dhaawac ah, walow aysan weli soo bandhigin askarigaasi ay sheegeen inuu ka tirsan yahay ciidamada komandooska. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay inay xukun ku ridi doonto Dennis Alex oo ah ninkii ay afduubka ku heysteen, kadib weerarkii lagu soo qaaday. Walow la rumeysan yahay inay isla shalay dileen ninkaasi sida warbaahinta Faransiiska kasoo xiganayaan sirdoonka Faransiiska.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose

Guddoomiyaha Shabeelada Hoose ee Dowlada Federaalka Cabdulqadir Maxamed Siidi oo wareysi siiyey Telefishinka Aljazeera ayaa asagu dhankiisa sheegay in ciidamada NATO  ay mar walba kala soo xariiri jireen arrimaha la xariira Ninkaasi Afduubka loo heystay ee Dennis Allex, isla markaana weerarkan kahor ay xiriir kala soo sameeyeen ciidamada NATO.  Dowlada dhexe ee Federaalka ayaa  iyadu weerarkan iska fogeysay.

Dowlada Faransiiska ayaa iyadu sheegtay inay ciidamadeeda si gaar ah u fuliyeen weerarkan, isla markaana ma jirin ciidamo NATO ah oo wada socda oo hawlgalkan ka qeyb qaatay.

Halkan ka daawo Wareysigii Aljazeera siiyey Guddoomiyaha Shabeelada Hoose.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved