Waxaan islahaa iska dhig wiil furfuran balse waxay ii aragtay in aan waalanahay - Qeybtii 1aad.

Thursday, 10 January 20130 comments




Waxaan isbaranay gabar aad u qurxoon oo aad ii cajabisay, barashadeeda aad ayaan u xiiseenayay in aan barto, dadaal kadib waan bartay in aan isbarano, balsa waxaan iska dhigay nin aan xirxirneen oo sheekeen kara oo aftahan ah sidaasna waxaan u sameenayay in aan soo jiito iyada, fursad ay ku hadasho waan u diiday warkeyga badan dartiis, aniga waxaan isku heestay  in ay ku heesato hadalkeyga, waxay iigashay dhoola cadees been ah markasta oo ay dhoola cadeeso waxaan is dhahaa hadalkaaga ayaa ku socdo gabarta farxad ayaan ka qaadaa, kulankii ugu horeeyay waxaan dareemay in aan farxad galiyay gabadha.


Habeenkii asxaabtayda Qadar Leebo, Ayuub, A k Hama Caqil, Maaxi Cade, Super, Cali Baashi iyo Aaardoon ayaan la kulmay aniga oo faraxsan oo ku haayo yes yes yes, farxada aan la tamashleenayo ayee i waydiiyeen waxaan ku iri waxaan soo bartay gabar i cajab galisay gabar ka qurux badan Mugdishu ma kunoolo, mudo badan ayaan ku haayay is gaad gaad loo soo hub qaatay, gabadhii waan bartay caawa dhanka hadalka waan ku soo qanciyay iyada oo faraxsan ayaan kala tagnay kulankeena wuxuu ahaa mid xiiso badan, habeen danbe ayaan balansanahay gabadha waan sugi la ahay waqtiga dhirirkiisa ayaan ku iri asxaabtayda.


Waxaa la gaaray habeenkii balanta waana kulankeenii 2aad, aniga oo diyaarsan labis laga yaabay wata carafteeda la moodo in aan dhalo barafuum ah isku soo jabiyay ayaan tagay goobtii balanta, xitaa waxaan ka sii hormaray waqtigii balanta xiisaha aan uqabo aawadeed gabadhaan qurxoon, waxaan goobta fadhiyo wax ii soo socdo malahan, saacada way isi sii gurtaa dadkuna magaalada wuu ka siiyaraadaan anigane kama quusto sugashadeeda, habeenkii waa la ii gooyay, waan ka xumaaday balan la aanta gabadha, ma is dhaheen qof aaad xalay sidaa ogeed u farxad galisay ayaa kuu goyn doonto, niyada ayaan iska iri laga yaabee in ay xanuunsantahay ha ubixin xanaaqa iska daji.


Aniga oo xanaaqsan ayaan xaafada usoo dhaadhacayay asxaabtayda isugayaan, badanaa waxaan habeenkii fadhiisanaa meel ay iskuugu imaadaan dhalinyarada, waxaan iska dhigay nin faraxsan aniga dhoola cadees been guur ah wado ayaan soo dhex galay asxaabta, hal mar ayee iwada dhaheen Daalac Daahir Shoot oo faraxsan caawa war ayuu wadaa ee sxbow noo daadi sheekada  caawa maxaa la soo kulantay? Waxaan ku iri xalay iyo caawa wuxuu magaalka ii shidnaa caawa, qofta xalay qasab ayaan ku bartay oo ma diyaarsaneen laakiin caawa waxay iska soo dhigtay qof balan lala leeyahay aragtideeda bas iska daayee socodkeeda ayaad caashaq ku qaadeesaan, qofta goobtii balanta way iigu imaataan markii aan arkay aniga ayaaba shakiyay in ay tahay qoftii aan la balansanaa, qofta way na isku keen sheeko baxday ilaa magaalada ay ka tagto korontada oo aan cabsi iyo cidlo dareeno qofta aniga oo u xiiso qabo ayaan ka soo tagay, qofta soo dhaween ayaan ka helay alabaabka qalbigeeda waa la ii furay waxaana la isoo dhahay Daalac adiga bas ayaa leh qalbigeega, asxaabtayda been ayaan u sheegay ma ogo in aan ahay nin loo caga wareejiyay oo loo qabtay.
Fadlaan ilaal

F.G Ha Iloobin In aad Xuquuuqda Siiso Shabakada Arimaha Bulshada hablaha.com Iyo Qoraageena Caanka Ah

La soco sheekadaan qeybta xiga oo ah Qeybta 2aad iyo maalinka Jimcaha

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
E-mail: sheekojacel@hotmail.com



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved