Manchester United
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa u dhaqaaqay goolhaaya koxda Barcelona Victor Valdes, kadib markii goolhaya United uu laqabsan waaye Horyaalka Premier League.
Dhinaca kale Tababare Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday in saxiixa Wilfired Zaha la soo afjari doono dhamaadka Isbuucaan.
Manchester City
Kooxda AC Milan ayaa u muuqato inee ka bixi doonto Heshiiska laacibka kooxda Manchester City Super Mario ka dib markii kooxda City ay ku dhawaaqeen in gooldhaliyahooda Mario Balotelli uu meel ugu socon kooxda.
Newcastle United
Kooxda Newcastle ayaa markaan u aragtay xal inay soo dal dalato ciyaartoyda ka ciyaaraan horyaalka Ligue 1 ee dalka Frcance hataan kooxda waxey dooneesaa inee la soo wareegto laacibka khadka dhexe kooxda PSG Momo Sissoko iyo xidiga kooxda Bordeaux Yohan Gouffran iyo sidoo kle kabtanka kooxda Montpellie Mapou Yanga-Mbiwa dhamaantooda waxee ku si jedaan garoonka St James Park eek u ciyaarto kooxda Newcastle United.
Queens Park Rangers
Kooxda QPR ayaa lagu soo waramayaa iney weysay saxiixa laacibka khadka dhexe kooxda Rennes Yann M’Vila , M’Vila ayaa lagu soo waramayaa inuu heshii la galay kooxda Rubin Kazan.
Arsenal
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaayo laacibka khadka dhexe kooxda Celtic Victor Wanyama.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa ku rajo weyn inee la soo wareegto laacibka kooxda Barca David Villa, kadib markii laacibka uu sheegay inuu doonaay inuu ka tago kooxda.
Liverpool
Kooxda Liverpool ayaa umuuqato inay iska fasaxi doonto goolhaye Pepe Reina, Reina ayaa lala xariirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona.
Dhincal kale Philippe Coutinho ayaa u sheegay kooxda Liverpool inuu sii joogi doono kooxda Inter Milan.
Tottenham
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa mar kale dooneeso inee soo afjarto la soo wareegitaanka laacibka reer Jarmal Lews Holtby, Tottenham oo ku dooneeso laacibkaan 1 milyan oo euro inee kula soo wareegto.
Ac Milan
Kooxda Ac Milan ayaa markaan diirada saartay sidii ee kula soo wareefi laheed laacibka kooxda City Balotelli.
Juventus
Kooxda Juve ayaa markaan u dhaqaaqday sidii ee ku soo xero galin laheed laacibka kooxda Universidad Catolica Nicolas Ignacio Castillo.
Inter Milan
Kooxda Inter ayaa dooneso inee la soo wareegto daafaca kooxda PSG Gregory van der Wiel gooldhaliyaha kooxda Manchester City Edin Dzeko.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment