Wararkii ugu Dambeeyey suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo maanta furmay

Tuesday, 1 January 20130 comments



(C)1.Skysports.com
Chelsea

kooxda Chelsea ee ku aadan saxiixa xidiga Kooxda Newcastle Demba Ba ayaa sheegeya in Heshiiskaas uu u dhaw yahay in lagu kala tago kadib dib markii xidigaan uu dalbadey mushaar gaaraya  150 Milyan Isbuucii  taas oo ay aad uga cago jiidey Kooxda Chelsea,  Demba Ba  oo hada ka qaato kooxda Newcastle mushaar garaayo 40 milyan isbuucii.

 Frank Lampard iyo Ashley Cole ayaana iyagana qandaraaskooda uu dhacayaa xagaaga soo socda, waxaana Lampard si aad ah loo hadalhayaa inuu u baqoolayo Mareykanka ka dib markii uu qirtay isbuucaan inaysan socon wadahadal qandaraaska loogu cusbooneysiinayo.
Ashley Cole oo isna qandaraaska uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa  waxaa loo sheegay tan iyo markii uu yimid Benitez  in laga yaabo inuu baxo, waxaana Cole lala xiriirinayay kooxda PSG.
Manchester United

Kooxda Manchester United oo aad baadi goob ugu jirta inee la soo wareegto laacibka da’da yar ee u safto kooxda Crystal Palace eeWilfried Zaha , United oo soo bandhigtay qiimaha ee ku rabaaan Zaha £8million .

              
 Everton 
Tababaraha kooxda Everton David Moyes ayaa hada doonaya in uu soo qaato  ninka ku xumaaday kooxda Man city ee Scot Siclair.


Scot Siclair ayaa 8 Million  laga soo qaatay kooxda Swansea Xagaii hore , waxuuna ku fashilmey in uu la qabsado kooxda Mancity , waxa hada Moyes uu doonaya in uu si amaah ah ku soo qaato Scot Siclair.

Arsenal

difaaca Kooxda Arsenal Johan Djuorue ayaa u dhaw in uu ka tago kooxda Arsenal  oo uu ku biiro kooxda reer  Germany ee Hannover.

25 jirkaan uu labo kulan oo koobka League cupka U saftay xilli ciyaareedkaan  , waxana tababaraha kooxda Hannover ee Martin Kind uu sheegey in ay soo qaadan doonan Djuorue.

Kooxda Arsenal ayaa dooneeso in xili ciyaareedkaan la soo wareegto laacibka kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha .


Liverpool


Kooxda Liverpool ayaa 16 Million ku dooneeso  Weereryahanka kooxda Barcelona ee David Villa , waxaana Macquul ah in labada kooxood ay ku heshiiyaan saxiixa Villa.

Liverpool ayaa iyadana la filayaa inay dhameystirto heshiiska Daniel Sturridge ay kala soo wareegeyso Chelsea, halka Thomas Ince ay isna ku talo jiraan inay wadahadalkiisa soo gabagabeeyaan.


Stoke City

Kooxda Stoke City ayaa Sheegtey in bishaan ay si toos ah ula soo wareegi doonaan difaaca kooxda Ipswich ee Danny Higginbotham oo 34 sano jir ah.

Sunderland

Sunderland oo baadi goob ugu jirto sidee ula soo wareegi lahed  laacibka khadka dhexe kooxda Inter Milan Joel Obi, kaas oo 2 kulan xili ciyaareedkan u saftay kooxda Inter  Milan.

Kooxaha  kala ah Tottenham, Fulham, Stoke, West Brom, West Ham and Aston Villa ayaa dhamaantood Tartan adag u gelaaya xidiga qayb ka hogaaminaya gool dhaliyaasha ugu sareeya horyaalka England iyo Kooxda Swansea ee Michu , kaas oo xili ciyaareedka shabaqa ku hubsaday 13 Goal.

Juventus

Kooxda Juventus ayaa Diyaar la ah 5 Million iyo waliba xidigooda difaaca ee Paolo De Ceglie si ee ula soo wareegaan 20 jirka kooxda Sampdoria  ee khadka dhexe ka ciyaara Pedro Obiang.

Sidoo kale kooxda Juventus ayaa raadineysa weli gooldhaliye magac leh, waxaana diirada u saaran weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente kaasoo qandaraaska kooxdiisa uu ku eg yahay xilli ciyaareedkan.
Juventus ayaa sidoo kale dooneysa daafac madaama dhaawac muddo dheer uu ka soo gaaray Giorgio Cheillini.
Ac Milan
AC Milan oo mudooyinkaan suuq u noqotay kooxo kale ayaa hadana mar kale la filayaa bishaan Janaayo inay fasaxdo oo iska iibiso labo ka mid ah weerarkeeda Robinho iyo Alexandre Pato kuwaasoo lagu xamanayo inay doonayaan inay ku laabtaan Brazil.
Milan ayaase hadii ay iibiso labada nin ee reer Brazil waxaan shaki ku jiri doonin inay weerar cusub raadin doonaan oo caawiya xiddiga da’da yar El Shaarawy iyo Pazzini, waxaana Rossoneri lagu xamanayay inay doonayaan Mario Balotelli.
Inter Milan
Inter Milan ayaa iyadana suuqa kaga muuqan doonta dhanka wax iska iibinta sida la filayo, madaama Wesley Sneijder ay weli ka heshiinin qandaraaskiisa, isagoo diidan inuu mushaharka dhimo, waxaana ay u badan tahay inay iska iibiyaan, iyadoo Liverpool, Spurs iyo United ay xiiseynayaan ciyaaryahanka.

Real Madrid iyo Barcelona oo haatan  ka muuqan   dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda
ka heysta xiddigo ku filan. Bishaan Janaayo sadaashana ma ahan inay la soo wareegi doonaan xiddig magac leh.
Laakiin Barca ayaa laga yaabaa inay iska dirto xiddig magac leh David Villa kaasoo aan boos ka heysan kooxda.

 W/Q: Abdulhakim Som Stars
Source:Laacib24.com


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved