SUXUFIGII CAANKA AHAA EE DAA’UUD AWAYS OO ISKAGA TAGAY IDAACADA BBC KUNA BIIRAYA LAANTA AF-SOOMAALIGA EE V.O.A-DA.

Thursday 24 January 20130 comments




London (HMN)- Mid Ka Mida weriyayaashii ugu caansanaa laanta Af-Soomaaliga ee idaacada B.B.C-da, ayaa shaqada ka tagay, isaga oo la sheegay in uu sii jeedo dhanka Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo fadhigeedu yahay idaacada V.O.A-da oo tartan adagi ka dhexeeyo B.B.C-da.

Daa’uud oo ka tirsanaa laamaha Af-Soomaaliga iyo Sawaaxilga, ayaan la ogayn sababta uu shaqada uga tagay, laakiin waxa la xaqiijiyey in ka dhaqaajiyey B.B.C-da.

Suxufiyiin ku sugan Magaalada Washington, ayaa laga soo xigtay in uu ku biirayo laanta Af-Soomaaliga ah ee V.O.A-da,isla markaana uu ka mid noqon doono weriyaayasha si joogta uga hawlgeli halkaas.

B.BC-da , ayaa waxa sannadihii u dambeeyay isaga tagay Wariyayaal aad u badan oo udub-dhexaad u ahaa,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Yuusuf-Garaad Cumar oo ahaa tifaftirihii laantaas, Aamiin Muuse Weheliye, Aadan Nuux Dhuule, Siciid Cali Muuse, Cabdisalaan Hereri iyo Axmed Xasan Cawke.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved