Soomaalida iyo War Jaceylka? Qormo Murti iYo Xikmad Xambarsan

Sunday, 13 January 20130 comments






war baa u gaajo badan!

Waa la isku raacsan yahay badi ba in warku maanta u dhigmo oo la maqaam yahay quutal daruuriga maalinlaha ah ee afka iyo gacanta aadanaha u dhexeeya, Soomaalida na waxaa ba lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay quruumaha ugu warka iyo wacaasha jecel. Soomaalidu waa “war ku nool” baa la yiraahdaa.

Marka laba nin oo dheelmanayaa dalandool ahaan meel cidla’waaqla’ ah ugu kulmaan waxa ay isku nabdaadiyaan "xaa la sheegay, mala faayaa" “Waar maxaa la sheegay” "nabad sheeg "oo nuxurka ka dambeeyaa yahay “maxaa war la hayaa!”

Somalida iyo Warfaafinta Maanta

Soomaalidu haatan na waa war jeceshii oo weli ba isu fasax qaadatay; heshay oo ka faa’iidaysatey “tognaan iyo tabnaan ba” dawaar-nololeedka xiimaya ee teknoolajiyadda casriga ah. Boqollaal ‘website’ ama ‘social networks’ kale sida facebook, twitter, You Tube iwm, tobannaan wargeys, idaacadood iyo TV-yo ayaa sida “daadkii Xaabaale” is hor iyo hareero haraaciyaya.

Waxa “kaaf iyo kala dheeri” ah tirada badan ee warbaahinta Soomaalida maanta iyo tayo darraanteeda! Waxa maskaxdaada ku soo dhacaya cadalaysigii carruurta ee ahaa “xerada ri’yahayagu waa wada ul oo ul la qaato ma leh”! Warfaafinta Soomaalida inteeda badan ayaa maanta qaabadda googaalaysigaas lagu masaali karaa. In aad u kooban oo fara-ku-tiris ah ayaa tilmaantaas t ka badbaadi karta. Inteeda badani waa hungadaas qaawan! Waa tii uu aqoonyahan soomaliyeed ku sifeeyey “Warfaafin Carruureedda maanta ee Soomaalida” oo looga jeedo warfaafin; raad dhaqaajin ha jooto’e, aan fadhi barad ahayn oo haddana doonaysa; tallaabsi ha joogto’e, in ay dhabaabacayso.

Wardoon baad ahayd. Dhawr iyo toban il-wareed oo kala duwan ayaad isu soo martay. Haqab beel wareed ha joogto’e, waxa aad la soo noqonaysaa ‘sangaagurro’. iyo xiisihii wareed ee ku hayey ayaa kugu gaaggaxaya. Waxa se isa soo maqiiqaysa oo markiiba maanka ku soo horraynaysa runta ku salaysan asqowga iyo jahawareerka wararka Soomaalida dhex heehaabaa waayadan dambe abuuraan. Waa warar cilladdu ku badan tahay oo si taban uga tibaax bixinaya is-diiddooyinka dadka Soomaalida ku dhex gaamurey. Nuxur ahaan wararka intooda badani war ba ma aha, afka ay ku qoran yihiin na kii warfidiyeenka ma aha. Daal, saboolnimo iyo arrad baa ku midaysan oo ay la gebi-dhaclaynayaan. Waa warar ku sheeg gacan-ku-rimis ah oo aan dux iyo dhadhan lahayn. Fahmo-guurka ayay xigto yihiin! Inta badan ereyada warku ku qoran yahay ama afka lagu sheegayaa hadal ahaan waa isirro kala wada dhantaalan. Waa wada qadaf iyo qallooc, qawed iyo qadoodi, iyo mararka qaar qudhun iyo qashaabiir miiran.

Warfidiyeenka waxa laga doonayaa waa war u dhigma caano kasoofeen ah oo lis ah. Haddii uu se barax biyo haraynayaan ku sooro waa lagu yalaalugoonayaa! Qaayihii iyo quruxdii afka ayaa dalow gundheer ku shalwanaya. Erey-bixin cusub oo ay warfidiyeenka maantu soo kordhiyaan ha joogto’e ereyadii hore u jirey ayay rifayaan .

In badan oo wariyayaasha maanta ka mid ahi waxa ay si khaldan u adeegsadaan ereyo badan. tusaaala ahaan.

Doonni dad saarraayeen ayaa Badda Cas quustey! Roob weyn ayaa meel hebla’ ku biyo-baxay! Diyaarad baa hawada ku gaddoontey! Hebel waxa uu ka dhawaajiyey ama sanqadhiyey! Sagaal iyo sagaashan qofood oo barakacayaal ah! Lammaanaha Ingiriiska ee la haysto! Weriyaheenna meel hebla’! Roob ayaa ka da’ay qaar kaloo badan ayaa ka mid ereyada dhawaaqa/qoraalka foosha xumi ku dhaco ee aynu maalin kasta kula kulanno war aynu akhriyayno ama dhegaysanayno!

War Xanaaqsan !

Inta badan ilaha wararka laga doonto ee Soomaalida sida mareegaha Internet-ka, wargeysyada, idaacadaha ama TV-yada, waxa lagu la kulmaa warar “ku candho iyo bayd go’an” aragtidii uu tebiyuhu qabey. Sidii uu isaga ama iyadu u jeclaan lahayd in wax u dhacaan, ayay warka in badani u qorayaan ama u sheegayaan. Waxa warka ka dhex hillaacaya caro iyo xanaaq ama jibbo iyo caaddifad dhinac abbaaraysa. Waa war dhinac la safan, dhinaca kale na ka safan. Waxa warar badani ku xadgud baan shakhsiyaad, kooxo, beelo ama degaanno iska dhan. Marka warka laga tago ee maqaallada iyo faallooyinka loo gudbo iyada hadalkeeda iska ba daa. Waallida uun baa sii korodha. Waa aflagaaddo, yooyootan, caytan yaqyaqsi leh, iyo ligis iyo dhooqo lagu gelgelimaysto oo lagu galgasho, si aan loo miidaan deyin na ciddii la doono loo marmariyo.

small;">Muddarrooyinkaas iyo meel-ka-dhacyadooda, iyo xanafta iyo xumaantooda waxa keenaya dadka aan is-taahilin in dhaayaha daawadayaasha la hor keeno ama dhawaqooda dhegta dadka la maqashiiyo ee aaladaha warfaafinta maantu wadwadkooda meheradda ka dhigtaan. Is-taahilid la’aantu waa marka la eego waxa ay ka hadlayaan oo ujeeddo iyo nuxur ahaan ka hooseeya heerkii loo baahnaa habraac ahaan, sida liidata ee ay u soo bandhigayaan, xilkasnimo darridooda iyo sida ay uga baraad la’ yihiin garaad ahaan in dad si wali ba u kala duwani ay meelo kala duwan uga daawanayaan, uga dhegaysanayaan ama uga akhrisanayaan. Waxa kale oo aynu kula kulannaa war-ku-sheeg aan u qalmin isna in la sii daayo oo warka madaxdiisa ku mulaaqan. Eedda iyo gabbood-falka warfidiyeenku leeyahay waxa ka badan ta ay yeelanayaan mulkiilayaasha hay’adaha warfaafineed iska leh sida TV-yada iwm.

Ayaandarradu waa in qof ama koox kasta oo lacag haystaa qaradka iyo muraadkeeda ay ku fushan karto oo u adeegsan karto aaladaha warbaahineed ee maanta intooda badan, gaar ahaan badiba TV-yada hadda laabta la soo kacaya ee tiradoodu soo kordhayso ee gaarka loo leeyahay. Wax kasta oo ay sitaan iyo ujeeddo kasta oo ay leeyihiin ba, waxa loo ballaqaa albaabka, iyada oo loo furayo mikrifoonka iyo carooggiisa hawada geliya ba. “Waa intaad bixiso uun ku hadal” xaalkoodu! Caalamka kale taasi kama dhacdo oo warku ma aha “xayaysiin iyo ii dheh” warfaafinta lacag ay ku sii dayso laga siiyo, haddii ay dhacdo na waa fal-dembiyeed u dhigma musuqa foosha xun ee ciddii gasha dacwadda lagu soo oogo, waayo war baahintiis bay hay’ad aan sii dayseen laaluush laga siiyey markaas bay sidaas ku faafisay!

Halkaas waxa ku god gelaya oo ku gedmanaya anshaxii warka iyo wacaaluhu lahaayeen ee loo baahnaa in soohdintiisa lagu ekaado oo aan laga gudbin. Waa asalraacii iyo runnimadii warka iyo dhexnimadiisii, akhlaaqdii sheegmada iyo tii warfaafineed ama tebineed. Waxa lumaya feejignaantii muhiimka ahayd ee mas’uuliyadda iyo tii xilkasnimada ee warfidiyeennimo . Taas waxa ka sii daran ku galgalashada xuquuqaha reebban ee hal-abuur gaar ahi leeyahay oo iyana aan loo aabba-yeelin, inta badan na aad loogu tunto. Maqaal dhan ama sheeko qoraa lahaa oo macruuf ahayd ayaad maalin dambe ku arkaysaa magaca qof kale oo hoosta kaga xardhan! Dhanka xigashada ama wax soo dheegashada war meel laga soo qaato ama dheeg qoraal laga soo ergisto iyana waa arrin maanta aan loo turin, in badani na ay ku dul turunturrooto.

Warka, haba yaraato’e, meeli ugu ma bannaana ra’yiga warfidiyeenka iyo dareenkiisa noocii uu doona ba ha noqdee. Warku waxa uu ka kooban yahay xaqiiqooyin soohsoohan oo engegan oo aan u baahnayn midabayn, iidaan kale, buunbuunin iyo naaxnaaxin toona. Waxa lama huraan ah warka iyo runnimadiisa, iyo inuu yeesho il-wareed la raad-raaci karo oo uu ka soo baxay ama laga soo xigtay. Dhawrkan su’aalood uun buu warku ka jawaabaa:

· Maxaa dhacay?
· Xaggee wax ka dhaceen?
· Goorma ayay wax ka dhaceen?
· Yay se wax ku dhaceen ama wax sameeyey?

Haddii laga fursan waayo, waxa afartaas su’aalood xilliga falanqaynta ama gorfaynta soo raacaya:

· Sidee bay wax u dhaceen?
· Sababahee keenay waxa dhacay iyo waxyaalihii ku xeernaa ama xidhiidhka la lahaa?

Dhismaha warka qaab ahaan iyo xulashada ereyadiisa oo qadafka laga dhawro, ayaa sii kordhin karta wanaagga iyo tayadiisa. Wixii aan intaas ahayn waa laga maarmi karaa oo loo ma baahna. “war la’aani na col bay hoddaa” hore ba loo yiri oo baahidii warku na weli way jirtaa. Bal ad ba xal u raadi!



W/Q : Mo Njele Njele

xigasho iftineducation


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved