Wararka laga helaayo Xarumahama Caafimaadka ee Dalka Norway ayaa waxay sheegayaan in Bukaano qabo xanuunka Hargab Doofaareedka (Swine Flu) baaritaano lagu sameeyay dadka looga shakiyay xanuunkaan ayaa waxaa la ogaaday in ay qabaan Swine Flu oo ay yihiin (Positive for H1N1 Virus infection) ,ilaa iyo hadda Tirada sax ah ee la helay ayaa waxay tahay 84 bukaan.
Waxaa laga cabsi qabaa in Magaalooyinka waa wayan ee Dalka Norway uu Wada gaaro inta badan, baari taanadaan waxaa lagu sameeyay Jaamicada Akershus university Hospital east of Oslo, sida uu sheegay Dr Jan Erik Berdal . waxaa laga yaabaa inay tiro kale la hello.
Bukaanadaan 22 ka mid ah waxay cisbitaalka ay soo gaareen 01/01/2013 (New Year ) waxayna naga soo gaareen,Magaalada Bergen, waana magaalada labaad ee Dalka ugu weyn.
Dhaqaatiirka ka howl gasho cisbitaalka Magaalada Bergen waxay yiraahden waxaan rajay-naynaa inuu yaraado, waxaana ku dadaali doonaa bukaanadeena aan hayno in aan Daaweeyno,
Warbixin ay soo badhigtay Jaamicada Hauken university Hospital waxay sheegtay in uu hoos dhac weyn uu jiro sida loo filanaayayna in uu san noqon, cabsidiisuna ay yartahay hadda.
Warbixinta Jaamicadda wixii kaloo soo cuboonaado oo Hargab Doofaareedkaan waan soo sharxi donaa si looga hortago qatartiisa ayay ku soo gabo gabeeyeen
Sida horay loo xaqiijiyay Hargab kaan waxaa laga helaa Dofaarka waxaana uu si sahal ah uu ugu soo gudbi karaa Dadka ( Transmission of the virus from pigs to humans) , Cudurkaan waxa uu soo caan baxay sanadkii 2009.
Dalka MECIXO uu ka soo biloowday, kadibna Caalamka intiisa kale ayuu ku soo fiday meelo badan ayaa dad ugu dhinteen waxaana lagu magacaabaa Swine influenza virus ama pig influenza, swine flu.
Dadka ku nool Dalka Norwey waxaa lagu wargelinayaa inay ka taxadaraan, si qatartiisa loo yareeyo ,qofkii xanuunka isku arkana waa inuu si sahal dhaqtarka ku soo garaa
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment