1-Hantijacayl, haddii ruuxa uu bakhayl yahay oo uuna rabin inuu keeno waxa loo baahan yahay ee guriga ku saabsan, middaas waxay soo dedejin kartaa dalaaqa
2- qaabka carruurta loo tarbiyeeyo taasna waxa keeni kartaa khilaaf soo dhexgali kara laba isqaba
3- galmada oo si fiican looga dhergin, haddii uuna ka dhergeynin ruux ka mid ah laba isqaba waxaa laga yaabaa inay arrintaas keento nacayb iyo kala tag
4- shaqada guriga, dadka qaarkii waxay rabaan in la isla qabto shaqada guriga, haddii midkooda ka soo bixi waayo shaqadaas waxaa laga yaabaa in la kalatago siiba dadka ku nool yurubta.
5- kalama maqnaansho daran oo keeni kara in labada ruux ay is illaawaan ama safar dheer ama la sheekaysi la'aan.
6- saaxiib xun, haddii midkooda uu leeyahay saaxib xun kan kalena uuna rabin taas waxay keeni kartaa kala tag
7- haddii midkooda uu leeyahay dhaqan xun kan kalena uuna ka helin sida qayilaada oo kale.
8- qaraabo xun, marmar waxaa guriga dumiya ninka dadkiisa ama naagta dadkeeda
9- rajo aan dhab ahayn il iska dhaadhiciyo in lacag farabadan la helayo ama guri fiican lagu noolaanayo wixiina aan la helin, inta badan waxay dhacdaa marka la is shukaansanayo.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment