Nin la dhashay Madaxweyne Obama oo Musharax ka ah Tartanka Doorashadda ee dalka?

Friday 25 January 20130 comments






Malik Xusein 0bama oo ay Madxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama isku aabe yihiin ayaa ammaanay Kaalinta Hoggaamineed ee Walaalkiisa oo mar labaad loogu doortay Xilka Madaxtinimadda.

Malik Xusein Obama, oo dhawaan Wakaalladda Reuters u waramaycayaa sheegay inuu ku tlamayo inuu ku soo biro Siyaasadda, isagoo xusay inuu ka qeybgalayo Doorashadda Guud ee bisha March ka dhici doonto dalka Kenya.

‘Haddii uu walalkay wax weyn u samaynayo Shacbka Maraykanka, maxaan Aniga wax weyn ugu samayn waayey Shacabka Keny’ ayuu yiri Malik oo Reuters ugu waramayey Tuulladda Kogelo ee Kenya oo ah halka uu Madaxweyne Brack Xusein Obma asal ahaan ka soo jeedo. Malik oo 54-jir ah ayaa sheegay inaysan hawl fudud ahayn si loo qabto Xafiis Dowladeed, isagoo xusay haddii aad Madax noqoto inaad khatar badan la kulmi karto, oo ay Warbaahinta iyo Dadweynaha kaa dhigan karan bar-tilmaameed.

  ‘Waxaa dhici karta inay dadka qaarkood ku jeclaadaan, halka kuwa kalena ay kuu muujinayaan nacayb’ ayuu yiri Malik oo isagu ku noolaa magaalladda Washington tan iyo sannadkii 1985-kii, ka hor intuusan noqonin La-taliye madax-bannaan oo dhinaca Maliyadda ‘An independent financial consultant’.

Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu Tuulladda uu ka soo jeedo ee Kogelo ee dalka Kenya booqasho ku tegay wax yar ka hor markii uu ku guuleystay Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka sannadkii 2008-dii.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved