Xulka Nigeria ayaa ka quusatay weeraryahanka Newcastle Shola Ameobi kaasoo ay rabeen in ay u wataan oo uu kala qeybgalo ciyaaraha 2013 Africa Cup of Nations ee South Africa ka furmaya bishaan isagoo ka qaban waayay telephone-ka.
Ameobi waxaa magaciisa lagu daray ciyaartoyda uu soo xushay macalinka Nigeria Stephen Keshi, laakiin macalinkiisa Alan Pardew oo afkiisa ku hadlaya wuxuu si cad u sheegay in 31-sano jirkaasi uusan u socon South Africa.
“Shola wuxuu nagu dhageystay (naga qaban waayay) telefonka, wuxuuna u muuqdaa inuusan rabin xulka,” sidaasi waxaa sheegay sarkaalka dhanka saxaafadda u qaabilsan Nigeria Ben Alaiya.
“Macalinka iyo xoghayaha ayaa dhowr mar wacay Shola laakiin wuu ka qaban waayay oo kama wajaabin. Fariimo ayaan u duubnay kamana soo jawaabin.”
Ameobi ayaa hal kulan oo saaxiibtinimo u saftay Nigeria kaasoo ay bishii November la ciyaareen Venezuela iyadoo Keshi uu rabay in xiddigii hore ee xulka England uu sanadkaan u wato South Africa laakiin wuu ku guuldareystay.
Nigeria oo laba mar qaaday koobka Africa waxaa Group C ku wehliya Burkina Faso, Ethiopia iyo Zambia oo ah horyaalka Africa, koobkaasi wuxuu bilaaban doonaa 19ka January
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment