Charmaine Mare oo ah 16 jir koofur afrikaan ah ayaa jirkeeda oo xubno xubneysan lana gubay laga soo qaaday deegaan ka tirsan magaalada cape town kadib markii la kufsaday lana dilay.
Mare oo marti ku aheyd guriga Saaxibadeed ayaa waxa ay fariin caloolyow badan u soo dirtay hooyadeed ka hor inta aan la dilin.
Fariinta ayey ku xustay gabadhaasi in ay kaligeed guri joogto nin dareenkiisa xakameyn waayayna uu ku soo siqayo oo ay ka cabsi qabto in uu kufsado.
Gabadha ay saaxiibada yihiin Mare iyo hooyadeedba xiligaa guriga waa ay ka maqnaayeen waxaana la joogay wiil saaxiib la ah Hooyada guriga oo markii la jilciyo tilmaantaan noqonaya adeer beenaadka saaxibadeed.
Maydka gabadha ayaa lagu arkay qeybo ka tirsan guriga ay joogtay ayadoo lagu aqoonsaday Katiinad qoorta ugu jirtay iyo bir yar oo ay carabka ku mudatay.
Lama oga cida ka danbeysay falkaani argagaxa leh waxaasa la soo xiray Johan de Jager,48 oo ah eedeysane aad loo tuhmayo.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment