Hoo, Hana i Sheegin Aboowe - Dhacdooyinka bulshada

Wednesday, 2 January 20130 comments



Dadka qaar waxay ka helaan inay is baraan labo qof  labadaa qof diyaar ha u ahaadaan isbarasho ama dhinac kaliya diyaar ha u ahaadee, taas xisaabta uguma jirto. Qaar kale waxayba aamisan yihin ajar ayaan ka helayaa  labo qof oon is baray ka dibna is guursaday,kuwo kale dabeecad bay ka noqotay inay  isku doonaan wixii  guur doon ahba.Waxayba noqdeen   wakiilo loo soo dirsado arimahaa.Ma xuma  inaad is barto dad,mana xuma hadeey is guursadaan.Waxaase dhibku ka taagan yahay   hoo lambarka heblaayo hana u sheegin inaan anigu ku soo siiiyay! ,hoo emailka hana  u sheegin inan anigu ku soo siiyay!. Waa kan sawirka heblaayo inaa ku tusayna ha u  sheegin!  Xaq miyaad u leedahay qof kale  teleefonkiis, emailkiis , sawirkiis, iwm  inaad iska siiso cid kale adoon ogaysiin qofkii lahaa.

Maxaa ka micno ah  waa caadiye gabadhu soo guur doon maaha, soo guur uma joogto ? hadaan u soo tilmaamay  cid guur ka rabta  danteeda ayaan ka shaqeeyay ma anaa wax u dhimay! E-mail muxuu sheegaya ama  teleefon la siiyo qof kale  iyadu ha diido hadeey doonto ma anaa qasbaya  waa xore. Waa la i waydiiyay ana waa siiyay caadiyoos  ..

Ma is waydiisay  markaa qof e-mailkii  teleefonkii ,sawirkii iska siiso cidii ku waydiisa adoo  ogolaansho ka qaadan qofkii lahaa ,markaa leedahay  gacanta soo kuma haysid yuuna kaa lumin mar kale ha i soo waydiin!.ma is waydiisay  inuu raali ka yahay qofkii lahaa? Ogolaansho maka  qaadatay inaad siinayso cidii ku waydiisaba?markaase leedahay: Hoo hana u sheegi  taas macnaheedu soo maaha inaad aaminsantahay inuusan  qofkii raali ka ahayn ama aad adiguba qalad iyo waxaan  wanaagsanayn sameynayso ,maxaad u leedahay hoo hana u sheegin hadaad u aragto wax caadi ah?.Waxaa taa ka daran kan ku leh iiga soo qaad  inaan anigu rabana ha u sheegin! Ma kula quman tahay inaad  naftaada u ogolaato inay sameyso wax qof walalkaa ah dhibsanayo ama uuna raaliba ka  ahayn. Maxaase dhacaya hadaad tiraahdo cinwaankaaga la i waydiiyee  raali maka tahay inan bixiyo?
W axaa laga yabaa   in dad


badani la yaabaan markeey maqlaan teleefon iska soo dhacaya,  “Halloo ma heblaayaa,  haa kumaad ahayd walaalow?” bal isku kay sheeg kuma garane?. Ima garanayside waa hebele ,waa wiil soomaaliyeede! Haye maxaa kuu darnaa? inaan is baranaa rabay!.,ma xuma isbarashadu waxayse ku haboonayd  isagoo toos ugu yimaada gabadhaan uu doonayo una sheega dantiisa isagoon soo marin  wadaadaas dheer hadana qaloocan. ama uu yiraahdo waa la i soo siiyay  teleefonkaaga  anaa   ka dalbaday qofka i  siiyay intuu oran lahaa kuuma sheegayo cida i siisay   qasab maaha inaa ogaato waa sir! maxaa sir  ah meeshu ma sirihii dowladahaa maxay tahay waxa sirta ah ee la qarinayaa mar hadaad qofkiiba la hadlayso danna ka leedahay maxaaba is qarin keenay maa runta la isku sheego si toosana loo wada hadlo.

Waxaan leeyahay   qofka doonaya inuu is baro laba qof toos ha isu baro,,sidoo kale  waxaa  arin laga fican yahay ah inaad tiraahdo  sawir iga soo qaad kadibna  i tus qofkii sawirka lahaa oo aan ogayn,hadeey i cajabiso waan eegi doonaa hadii kalena kuma jiro.,,.waxaasoo dhan maaha dhaqamo fiican waxay ka dhigan tahay adoo dadka arimahooda gaarka ah  dhex galaya. Waa dhaqamo dadka qaarkii caadeeysteen ,laakin ah dhaqamo foolxun  kana fog ilbaxnimada.Waxaaba dhacdo in adigii daalac laguu raacdo oo lagu yiraahdo maxaa isla macaanaynaysaa ama isla xayeysiinaysaa maxaan sameeyay?waxaa kaloo  iyaduna meesha ku jirta markaa balan kula galayso  qofkii  ku siisay  cinwaanka isagii /iyadii aad ku balamaysaan afkeenu waa isku amaan isma arag isma maqal,waxba kuma  siin  ha u sheegin inaan  ku siiyay ! ha u sheegin inaan anigu rabo!  taas macnaheedu  maxay tahay akhristahaan u daayay jawaabta.

Waxaan ku soo koobayaa  qofoowna  ha siin cinwaan qof kale,  qofkii lahaa oo raali ka ah  mooyee   ama aad u sheegtay in cinwaankiisa la rabo haduu ogolaado waa wax wanaagsan haduu diidana gadaashiisa haka siin.Sidoo kale qofoowna ha dalban cinwaan aan raali lagaaga ahayn ,waayo  waa iska tuuganimo nooc kale ah,adigu ma jeclaan lahayd in: Kabo,buug,dhar, aad leedahay adoo ogolaansho lagaa qaadan walalkaaba ha noqdee uu iska siiyo qof  kale waa maya, waayo waa wax adiga ku gaar ah mana jeclid in adoon ogayn  sidii la rabo laga yeelo, hadaad cinwaankii wado qaldan ku soo heshay hadana  haku sii indho adkaan inaad  qariso qaabkaad ku soo heshay  hana kula  balamin cidna  inaadan sheegayn meeshaad ka soo heshay. Hadiiba ay dhacdo in lagu waydiiyo hadaan lagu waydiinse waa xaalad kale.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved