Faadumo Cali “Dantiisa Ayuu Iga Gaaray, Caloosha Ayuu Ii Buuxiyay, Reerkiina Wuu Igu Diray (Ha Aqrin Hadii Aadan Awoodin)

Friday, 4 January 20130 comments



Faadumo Cali Maxamed oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Shabakada HMN waxa ay uga sheekeeysay dhacdo naxdin leh oo gabadhaasi qabsatay.

Waxaan rabnay inaan cod kasoo duubno laakiin sidii ay u oyneeysay ayaanba aad loo garan karin waxa ay ku hadleeyso, waxaan rabnay sidoo kale inaan sawiro kasoo qaadno hase ahaatee waxaan diidnay in muuqaalkeeda ay kasii argagaxaan dadka yaqaano oo laga yaabo in  HMN ay ku taxan yihiin.

Faadumo ayaa waxay sheegtay in muddo ah inay wada socdeen wiil ay magaciisa ku gaabisay Yuusuf Garuun kaas oo magaalada Muqdisho kula nool, waxa ay sheegtay inay aad u jecleed balanna ay kala galeen laakiin isaga uu balantii uga baxay.

Waxa ay sheegtay inay is mehersadeen (Nikaax), waxaana ay tilmaantay in markii uu qabay muddo sanad ah islamarkaana uu si hoose isaga u qabay in iyada uu uur kusoo baxay Laakiin waxa ay sheegtay markii ay uurkaasi qaaday inay gacaliyaheeda ay u sheegtay laakiin gacaliyaheeda uu ku amray inay ilmaha iska soo xaaqdo, balse waxay u sheegtay in ilmaha caloosheeda ku jira uu xalaal yahay ayna rabto in uu aqal geeysto.



Balse arintaasi waxa ay sheegtay inuu ka biya diiday islamarkaana meeshii ay joogtay uu ku furay una sheegay in ilmaha uusan aabo u ahayn ee iyadu un uu ku kooban yahay

Reerkii markii ay arkeen Uurkaan wiilkiina uu ku inkiray gabadha waxa ay istuseen inay tahay gabar meelaha kasoo qaaday Uurka, iyagoona guriga ka eryay gabadhoodii “Dantiisa ayuu iga gaaray, caloosha ayuu ii buuxiyay, reerkiina wuu igu diray, waxaan la noolahay hadda gabar saaxiibteey ah reerkeeda, waxaana xaaladeeda la socda wiilal iyo gabdho aan iskuul isla dhiganeeynay oo Yurub jira, iyaga ayaana isoo biila xaaladeeydana wey roon tahay, laakiin dhibkaan I qabsaday ayaa maalin walba wal wal igu haayo, aabaheey ayaa guriga iga soo eryay laakiin hooyadeey iyo gabadha iga yar wey i jecel yihiin si qarsoodi ah ayeey iigu yimaadaan, canuga caloosheeyda ku jira ilaahay ayaa ila og waa xalaal, laakiin dhib malahan oo ninkii sidaan i yeelay maalin aan maanta ahayn ayuu abaalkiisa Alle ka helaayaa” Ayay Faadumo Cali Ku barooratay .

Intaasi ka dib waxaan usii adkeeysan weeynay inaan sii dhageeysano hadalada gabadha oo calool ahaan aad noo jilciyay, laakiin waxaan wejigeeda ka aqrisanay inay tahay gabar run sheegeeysa misane dhib weyn ku jirta.

W/Q Cabdi Kaafi Xassan

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved