Magaalada Saylac ee gobalka Salel ee maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa iska horimaad ku dhexmaray ciidamada Soomaliland iyo dad rayid ah oo ayagu mudaharaadayey maalmihii lasoo dhaafay.
Dadka mudaharaadayey oo u badan beesha Ciise ayaa shalay bilaabay inay hor-seexdaan xarunta Dowladaha Hoose ee magaalada Saylac si ay uga hortagaan xilwareejinta Golaha Deegaanka oo ay dhawaan ku guuleystay guddoomiyaha cusub siyaasi u dhashay beesha Samaroon.
Doorashadii deegaanka ee dhawaan ka dhacday gobalada Soomaaliland ayaa xiisad weyn ka abuurtay gobalkii horey loo oron jiray Awdal, hadana qeyb kamid ah loo yaqaan Salel. Xiisadan ayaa u dhaxeysa beelaha Ciise iyo Samaroon oo isku haya maamulka magaalada Saylac.
Ciidamada Militariga ee Soomaaliland ayaa saaka weerar iyo rasaas la beegsaday shacabkii hor dhoobnaa xarunta Dowladaha hoose iyadoo ay halkaasi ku dhaawacmeen7 qof, dhimashada illaa iyo hada inta la xaqiijiyeyna hal qof ayaa ku dhintay weerarkan.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise ee ku sugan magaalada Saylac ayaa maanta sheegay in ciidamada ay weerar kusoo qaadeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn, arrintaana ay jawaab ka bixin doonaan.
Todobaadkii tagay ayaa waxaa golaha deegaanka cusub ee doorashada ku yimid oo u badan beesha Samaroon xilka loo dhaariyey ayadoo guddoomiyaha degmada Saylac golahaasi ay u magacaabeen Xuseen Iidle Barkhadle, halka kuxigeenkiisa loo doortay Sacad Daahir Cige.
Daawo rabshadihii maanta Saylac ka dhacay:
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment