Daawo Tuugo ceebeeysay ciidamada Booliiska magaalada Paris habenkii sandka cusub uu soo galayay ++(Daawo Dhibka dhacay & Warbixin)

Thursday, 3 January 20130 comments



Waxaa dhac cajiib ah loo geeystay Dukaanka lagu iibiyo qalabka qaaliga ah ee Apple-Store qeeybtiisa dalka Faransiiska gaar ahaan magaalada Paris .Shirkada Apple oo laga leeyahay dalka Mareeykanka laamaheeda ku yaala dalalka Yurub waxaa loo waardiyeeyaa xili kasta si weeyn.

Ciidamada Booliiska magaalada Paris ayaa waxaa lagu eedeeyay habeenkii sanadka cusub saacado ka hor inta uusan dhalan in ay dayaceen ama iska iloobeen xilkii Amniga ee ka saarnaa Baqaarka weeyn ee shirkada Apple-Store ee magaalada Paris .

4 Nin oo Qoryo ku hubeeysan ayaa Dukanka hortiisa gaari soo dhigatay waxeeyna dhaceen dhamaan Moobiladii iyo


qalabkii qaaliga ahaa ee halkaas yaalay kaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan hal Milyan oo Euro.

Qalabka laga dal dalshay Shirkada Apple ayaa u badnaa Telefoonada gacanta ee iPhone & iPad waxaana ku jiray sidoo kale Kumbuyiitaro casri ah oo aan weli bacda laga furin.


Halkaan ka Daawo Booliiska Paris oo lagu eedeyay inay dayaceen Dukaanka Apple-Store oo laga leeyahay dalka Mareeykanka

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved