Ciidamada Badda ee Faransiiska iyo Maraykanka oo qabtey dad lagu tuhmey burcadbadeed

Wednesday, 9 January 20130 comments




Ciidamada Badda ee Faransiiska iyo Maraykanka oo qabtey dad lagu tuhmey burcadbadeed
Maraakiibta dagaalka ee dalalka Faransiiska iyo Maraykanka ee qaybta ka ah la dagaalanka burcadbadeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigey 12 nin oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen burcadbadeed, kadib markii mid ka mid ah maraakiibta xamuulku uu dirsadey qaylo dhaan ah in weerar lagu hayo, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soosaareen Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.

Gaashaanbuurta Nato iyo Midowga Yurub hawlgala Atalanta ee ka dhanka ah burcadbadeeda ayaa sheegay in ay qabteen doon yar oo ay saarnayeen 6 qof oo Soomaali ah kuwaas oo ku hubeysnaa qoryaha yaryar iyo gantaalada gacanta laga rido.

Nato ayaa sheegtey Markab aan magiciisa la shaacin kuna socdey calanka dalka Panama kaas oo ay saarnaayeen rag hubeysan in ay burcadbadeeda is dhaafsadeen rasaas.

Markabka dagaal ee Halyburton ee laga leeyahay dalka Maraykanka iyo Markab kale oo la yiraahdo Surcouf ayaa ka jawaabey qaylo dhaanta uga timid markabka ku gooshayey calanka Panama ee burcaddu werarka ku qaadeen, waxaana ay qabteen laba doonyood oo ay saarnaayeen 12 nin.

12 nin ee la qabtey ayaa hadda saaran markabka Surcuof, waxaana la sheegay in sharciga la horgeyn doono.

Sanadkan ayaa la tilmaamey in uu ahaa kii ugu yaraa ee burcadbvadeedu ku guuleystaan hawlgaladooda, sidoo kale waxaa hoos u dhacay weerarada ay qaadi jireen marka lo bar-bar dhigo sanadkii hore.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved