Bahalka dadka ku cuna deegaanada Barafka oo si Live ah u soo weeraray Wariye ka tirsan BBC-da Warbixin++(Vedio) !!

Wednesday, 9 January 20130 comments





Sawir qaadaha caanka ah ee lagu magacaabo Gordon Buchanan oo u dhashay dalka Scotland una shaqeeya Idaacada BBC-da qeeybta Muuqaalada iyo duubista ayaa waxaa nafsadiisa qatar galiyay Bahalka inta badan dadka ku cuna deegaanada lama degaanka ah ee Barafka (The polar bear).

Gordon Buchanan oo 40 sano jir ah inta uusan Bahalka soo weerarin waxa uu horay u diyaarsaday Sandaqad loogu tala galay in uu kaga amaan galo halista bahalkaan oo aalaaba uu ku soo rakibto Kaamerada Telefishada uu wararka ugu duubo.

Qisadaan halista ah oo ka dhacday lama degaanka Buuraleeyda Barafka dalka Norway waxa ay maalmahaan top ka noqotay Telefishinada Caalamka. Mudo 45 daqiiqo ah ayuu Bahalka Ice Bear-ka loo yaqaan weerer kulul ku hayay Wariye Gordon Buchanan balse uma suurto galin in uu cuno Wariyahaan oo sidoo kale Qaarada Africa ka soo tabin jiray wararka ku saabsan halka ay ku nool yihiin Libaaxyada iyo Shabeelada ugu halista badan Qaarada Africa.

Halkaan ka Daawo Bahal Wariye BBC-da ka tirsan si Live ah u soo weeraray





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved