War DEG DEG: Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Loo Diiday Suxufiyiinta

Tuesday 25 December 20120 comments



Muqdisho (HMN) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho iyadoon suxufiyiinta laga saaray kulanka baarlamaanka.

Suxufiyiinta ayaa loo sheegay maanta in aysan soo gali Karin kulanka baarlamaanka ama aysan goob jog ka dhoqon Karin ka dib markii maalintii shalay ay isku buuqeen xildhibaan.

Wararka ayaa sheegaya in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodaayaan miisaaniyada maaliyada ee sanadka Soo socda dowlada ay ku shaqaynayso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta ay dhici karto in codka kalsoonida ah aloo qaado qorshaha xukuumada ay ku shaqaynayo sanadka 2013 ee miisaanida.

Kulankii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo dhamaaday buuq iyo walibanatiijo la’aan, iyadoona mudanayaasha baarlamaanka ay ku sigteen in ay gacanta iskula tagaan.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved