Sidee Miisaanka Jirkaaga Hoos Ugu Dhigi Kartaa

Friday 14 December 20120 comments


Biyo cab: dabcan waa hubaal inaad maalinkasta biyo cabto, biyaha aan halkan kaga hadlaynaa maaha biyaha laga helo sida shaaha, kafega, cabitaanka iwm waa biyaha cad ee dabiiciga ah ee aan waxba lagu darin joogto ka dhigo inaad cabto 8-10 galaas. Biyaha cadiga ah waxay nadiifiyaan kalyaha, subagana jirka way ka sifeeyaan.

Hadii aad tijaabiso in mudo ah inaad cabto biyo cad cuntadaada ka hor 10-15daqiiqo, waxaad dareemaysaa farqi weyn markastaa oo aad wax cunto, dhakhso ayaadan u dhargi  doontaa taasina waxay keentaa inaad yarayso abataydkaaga. Waxaana fiican inaad markasta biyo cabta inta u dhaxaysa wakhtiyada aad wax cunto.’

5 Wakhti wax cun:Ka bilow aroor kasta inaad quraacato, waxay kaa badbaadinaysaa inaad gaajooto wakhti aan haboonayn, kadibna aads cunto waxkasta oo kaasoo hor baxa. Umu baahnid inaad cunto 5cunto oo waa wayn, 3jeer cun cunto fiican oo ku dharjisa sida quraac,qado iyo casho. Labada kalena ka dhigo cunto khafiifa ah.

Jimicsi:macquul maaha inaad dhahdo waan is dhuubayaa jimicsina ma sameeynayo, Jimicsigu waa shay aan laga maarmi karin ee samee.

Cunto isku dheeli tiran:isku day intaad qaadato cuno isku dheeli tiran sida qudrata nuucyadeeda, hilibka nuucyadiisa sida hilibka cad (kaluunka digaaga, iyo ukunta)  proteanska iyo waxyanaha jirkaagu uu u baahan yahay.

Hurdo fiican:seexo hurdo fiican oo kugu filan, hurdo la’aantu waxay keentaa gaajo jirka iyo ruuxdana uma fiicna hurdada yari.

45 daqiiqo lugee maalin kasta:Caado ka dhigo inaad maalinkasta lugayso 45daqiiqo, hadii aad caado ka dhigato socodkan waxaa hubaala inuu ku gaarsiinayo natiijo wanaagsan, baaritaano la sameeyeay waxay cadaynayaan in ay ka dhacaan ugu yaraan 10kg adoon ka fikirin cuntada aad cunto wax siyaado ahna aan samayn, kaliya socodkan caadayso.

khudrad iyo faakiho:hadii aad awoodo maalinkasta cun 5 ama 6 faakiho ah, cuntadadana yeyna ka maqnaan khudaarta cagaaran.

Subaga & Baruurta
Ka dheeroow intaad awoodo inaad cunto baruurta hilibka. Isku day inaad yarayso cuntada subagaleh markastood cunto soo iibsanayso eeg inta subag ku jirta, caanaha subaga laga miirayna cab.

Si dagan oo aayar ah:Isku day inaad sidagan oo aan dagdag ahayn aad u cunto cuntadaada markaad cuntaynayso, ku raaxayso oo dhadhami waxaad cunayso.

Wakhti u dhaxaysii:Isku day wakhti wanaagsan inaad u kala dhaxaysiiso cuntadaada, kaliya wax cun marka calooshaadu ay dalabto cunto adoo xasuusanaya in aadan markasta cunin cunto wayn. Tusaale 6dii saacadoodba mar cun cunto wanaagsan inta u dhaxaysana ka dhigo faakiho sida tufaax iwm, ha iloobina in cabitaanka biyuhu ay yareeyaan gaajada aan loo baahnayn.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved