Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeega Internet-ka ee 3G ++(Sawirro)

Saturday 29 December 20120 comments


Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howgalka dalka ayaa soo bandhigtay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka December adeegga cusub oo Internet kaasoo lagu magacaabo 3G (Third Generation) oo aan horay uga jirin Koonfurta Soomaaliya.

Adeeggan cusub ee Internet-ka ah ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Muqdisho oo aad ugu dhibaateysnaa helitaanka Internet fudud oo gaar ah, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay soo bandhigi doonto dhawaan adeegyo kale oo casri ah.

"Hormuud waxay maanta u soo bandhigtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho adeegga Internet ee 3G, waxayna tani qayb ka tahay howlaha ay shirkaddu ugu adeegayso shacabkeeda," ayuu yiri mid ka mid ah Mas'uuliyiintii Hormuud oo ka hadlayay xaflada.

Mas'uuliyiinta u hadlay shirkadda Hormuud ayaa hadalkooda ku daray inay shirkaddu mar walbha ku dadaali doonto qancinta macaamiisheeda iyo la socodka horumarka Technology-da caalamka, kuwaasoo uu qayb ka yahay adeegga 3G.

"Adeeggan cusub wuxuu macaamiisha u sahlayaa inay helaan Internet ku filan, maqal iyo muuqaal (Video Conference) kaasoo ardayda jaamacaduhu ay uga faa'iideysan karaan adeegga waxbarashada, iyagoo macalimiin ku sugan caalamka daafihiisa ku xiraya ardayda ku sugan dalka gudihiisa," ayaa lagu yiri war loogu talo-galay Saxaafada oo ay soo saartay shirkadda Hormuud.

Shirkadda Hormuud ayaa waxay horay u soo bandhigtay adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: E-Voucher, EVC Plus, GPRS Internet iyo adeegga Dalmar oo dhamaantood u sahlaya shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa'iideystaan isgaarsiinta casriga ah.

Ugu dambeyn, shirkadda Hormuud waxay u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan macaamiisheeda inay mar walba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.
Sawirada










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved