Layaabka Dunida:-Tuulo Ka tirsan Wadanka Thailan Oo Guri Kasta Kamid ah Laga Helo Bahal (mas)+(Video) Fadlan Ha Daawan Haddi Aadan Xamili Karin

Thursday 6 December 20120 comments


Tuuladan yar Ee magaceedu yahay “Bankuu Sanji” Waxa ay Leedahay Sheeko Cajiib ah oo ku saabsan masaska ama bahalada gudaha guri walbo oo ka mid ah tuuladan Dhacda Woqooyiga bari Gobolka Layiraahdo “Khuun Kiin” ee Wadanka Thailand ayaa ugu yaraan waxaa laga helaa MaS Ama BaHal.

Dadka deegaanka oo Xitaa Caruurta yaryar waxa ay ciyaar ka samaysataan Masaska Ama BaHalada, waliba Masaskaas oo lagu tiro Kuwo qatartoodu Badan tahay Gaar ahaan Nooca Kobraha ah’.


Waxa Sababkan lagu macneeyay In dadka ku dhaqan tuuladan ay inta badan Tarbiyeyaan Masaska Kana gancsadaan Mudo Ilaa iyo 60 sano ah.


Ninkii ugu horeeyay ee ka tirsan dadka deeganka tuuladan oo ah nin Doctor ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee keenay in masaska ay dhaqdaan sida xoolaha oo kale waliba isaga sababta arrinkaan ku sheegay in ay tahay in tuuladu ay isku badeleeyso tuulo dalxiiska ku fiican.


Dhab ahaantiina tuuladii yareed  ayaa waxa ay noqotay   meel ku soo jeedidata dalxiisa yaal tira badan oo caalam daafihiisa dhan ka yimaada si ay u daawadaan Bandhig Bahaleedka Ama Masaska Sanadlaha eh uu tuuladaasi ku caan baxday..

Halkaan Ka Daawo



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved