Gabar La Xoogay Hindiya Oo U Geeriyootay

Saturday 29 December 20120 comments



Gabadha 23 jirka ee Hindiya u dhalatay waxay isbitaalka ku yaal dalka Singapore ugu geeriyootay dhaawacyo badan oo ka soo gaaray markii ay kufsanayeen koox ka kooban ugu yaraan lix rag ah iyadoo saaran gaari Bas ah oo gurigeeda ay u raacday laba toddobaad kahor magaalada Delhi.

Waxaa loogu duuliyay dalka Singapore labo maalmood kahor wax ay mas'uuliyiinta India ku sheegeen baahi loo qabay inay hesho daaweyn dakhtar takhasus gaar ah u leh dhaawacyada soo gaaray.

Hase ahaatee dad badani waxay qabaan shaki ah in dowladda India ay doonaysay inay waddanka ka saarto, si ay isugu daydo in la yareeyo carada ka dhalatay arrinta gabadhan.

Magaalada Delhi haweeney ayaa lagu kufsadaa 14kii saac ee kasta, sida ay sheegayaan tirakoobyo rasmi ah, qaar badan oo ka mid ah weerarrada haweenka lagu qaadana lama soo sheego sababtoo ah haweenku ma rumaysna in mas'uuliyiintu wax ka qabanayaan.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in gabadhii la kufsaday ay dhimatay, boliiska magaalada Delhi waxay xireen waddooyinka soo gala bartamaha magaalada, waxayna mamnuuceen wax isu-imaatin ah oo ka dhaca bartamaha magaalada oo ka badan shan qof.

Arrinta gabadhan ardayadda caafimaadka ahayd, waxay haatan astaan u noqotay walaac ballaaran oo aan ku saabsanayn kufsiga oo keliya balse la xiriira qaabka Hindiya ula dhaqanto guud ahaan haweenka.
Halkaan Ka Daawo Sawirada




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved