Gabar 16-sano jira oo isgubtay kadib markii ay udul qaadan weysay cadaasiska Shiinaha uu ku hayoTibet-ka + Daawo Sawiro

Wednesday 12 December 20120 comments


Warbaahinta shiinaha ayaa waxa ay tebisay in gabar reer Tibet ah oo iskuul dhigata ay dab nafsadeeda qabad siisay kadibna ay geeriyootay kadib markii ay ka xanuunsatay dhibaatooyinka Shiinuhu uu ku hayo qoomiyada ay kasoo jeedo.

Gabashaan ayaa dabka isku qabadsiisay xaafada Dageri ee gobalka Qinghai oo ah goob ku caan baxday in lagu dhigo mudaaharaadyad a looga soo hor jeedo maamulka Beijing.
 
In kabadan 90 ruux oo kasoo jeeda qoomiyada Tibet-ka ayaa naftooda sidaan oo kale dab qabadsiisay laga soo bilaabo 2009-kii iyaga oo ka careysan xukunka Shiinaha.



Dadka Tibet-ka ayaa waxa ay ka cabanayaan caburin xaga diinta ah oo Shiinuhu ku hayo inksata oo xukuumada Beijing ay dafirtay arinkaasi.

Hogaanka Shiinaha ayaa waxa ay sheegeen in Tibet-ku ay ku raxeestaan xuriyad diimeed sida dadka kaleoo Shiineeska ah.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved