Gaari Nuuciisa aan Horey loo arag kuna Shaqeynaya Marwaxad oo Nin Beeraley ah Dhawaan soo saaray+(Sawiro)

Tuesday 25 December 20120 comments



Nin kamid ah dadka beera qota ee dalka Shiinaha da’diisana lagu sheegay 55 sano jir ayaa waxa uu soo saaray baabuur cusub oo shidaalla’aan shaqeynaya una horseedi kara in uu Bilyineer noqdo.

Arintaani manoqoneyso markii ugu horeysa oo la’arko gaadiid shidaal aan u baahneyn hasa yeeshee ninka lagu magacaabo Tang Zhengping oo ah ninka hindishaan layimid ayaa waxa uu ka duwanyahay qolyihii hore ee soo saari jiray gaadiidka aan shidaalka ku shaqeyneyn.

Gaariga ninkani uu sameeyay hada waxa uu jiraa sedax bilood oo kali ah hal metir ayuu kor u jiraa dhirikiisuna waa sedax mitir waxaana awooda siinaya dabeysha hasa yeeshee arinta ugu wanaagsan ayaa waxa ay tahay in uu leeyahay xawaare aad u dhereeya oo saacadiiba uu ku jari karo 140km, arintaan ayaa waxa ay u muuqataa mid aad caciib u ah,waxaana muhandiska gaarigaan oo kunool caasimada Shiinaha ee Beijing oo ah magaalada marti gelisy bandhigii gaadiidka ee dunida ugu weyn ayaa waxa uu hayaa sheeka uu ku faani karo,maadaama hindisihiisa cusub uu soo jiidan karo indhaha caalamka.


Mr.Zhengping, ayaa waxa uu sheegay in gaarigaan uu leeyahay batariyo u kaarikeesmaya iyo soolarro karikeyntaasi kaqeyb qaadanaya, isaga oo intaa raaciyay in uu ka wanaagsnayahy baabuurta caadiga ah.














______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved